Faah faahin ku aadan qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Written by Maamul on .

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo  xalay gudaha magaalada Baydhabo lagula beegsaday maleeshiyaadka DKMG ah xilli la sheegay in ay qayilayeen.


Tiro ka mid ah maleeshiyaadka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi oo ka dhacay xaafadda Cumar Bin Cabdul Caziiz Ex-Buula Hadame, waxaana qaraxa ka dib aaney maleeshiyaadku helin wax gurmad ah oo kaga yimid dhanka saaxiibadooda.


Ilaa markii danbe lagu wargeliyay saldhigga degmada in maleeshiyaad dhaawacyo iyo dhimasho ah ay yaallaan guri ku yaalla xaafaddaasi, hayeeshee taliyihii saldhigga ayaa ugu jawaabay in ay u gurmanayaan marka ay helaan ciidamo badan iyo gaadiid dagaal maadaama aan habeenkii la socon Karin.


Dhaawacyada maleeshiyaadka oo qaarkood aad u liita ayaa saaka yaalla cusbitaalka Baydhabo, waxaana ku dhacay dhiig bax xoog leh ka dib markii saacado ay yaalleen gurigii lagu qarxiyay, iyadoona arrinkaas ay ka xumaadeen maleeshiyaad kale.


Qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah cadowga ayaa inta badan ka dhaca magaalooyinka ay qabsadeen iyadoona ay tani wiiqeyso awoodda cadowga ayna ku keentay in ay waayaan kalsooni ay magaalooyinka ku maamulaan.