Booliska Kenya oo Diyaarado Dagaal ku Baadigoobaya Shaqaale Caalami ah oo laga Afduubtay Xerada Dhadhaab.

Written by Maamul on .

Sawaxan diyaaradaha Helicopters-ka ah ee Dowlada Kenya ayaa Xalay laga maqlayey Xerada qaxootiga Dhadhaab iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow xadbeenaadka kuwaas oo dabagal ku hayey kooxo hubeysan oo Afar ruux oo shaqaale Caalami ah ka soo afduubtay Xerada Qaxootiga Dhadhaab.


Hal ruux oo la rumeysan yahay in uu ahaa darawalkii gaariga u waday Shaqaalahaasi oo dhalashadiisu tahay Kenyaati ayaa dhintay intii lagu guda jiray weerarkaasi iyadoona ilaa Afar ruux oo kale halkaas laga soo afduubtay kuwaas oo aan la ogeyn halka lala aaday.


Philip Ndolo oo ah ku xigeenka taliyaha Booliska Gobolka ayaa xaqiijiyey afduubka loo geystay shaqaalahaasi waxaana uu sheegay in weerar gaadmo ah loo dhigay labo gaari oo ay wateen shaqaalahan islamarkaana halkaasi lagu afduubtay mid ka mid ah darawaladii gaadiidkaasna uu dhintay.


Shaqaalaha Afduubka loo geystay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Canada, Norway, Pakistan iyo Philippine waxaana ay ka howlgalayeen hay’add laga leeyahay dalka Norway oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano NRC.


Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi balse dowlada Kenya ayaa ku eedeysay Kooxo taageersan Mujaahidiinta Somalia.


Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya oo lagu magacaabo Cyrus Oguna  ayaa isna sheegay in ay baarayaan xoogaga weerarka ku qaaday shaqaalaha caddaanka ah isagoo farta ku goday in dhanka Libooyo Kenya lala aaday dadka laqafaashay, Ilo wareedyo ayaa  sheegaya in dadka  laqafaashay ay ku jirto haweenay  dhanka isku xirka u qaabilsan hay’adda NRC.


Diyaarado Helicoptero ah ayaa lagu heehaabaya Xerada Qaxootiga Dhadhaab iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow xadbeenaadka kuwaas oo dadaal ugu jira sidii loo soo ogaan lahaa halka lala qaaday shaqaalahaasi, sidoo kale ciidamo fara badan oo boolis ah ayaa lagu daadiyey dhamaan Xeryaha qaxootiga balse ilaa hadda ma jiraan wax natiija ah oo ay ka gaareen baaritaanada ay wadaan.


Xeradda Qaxootiga Dhadhaab ayaa dhowr jeer oo hore marti gelisay weeraro Afduubyo ah kuwaas oo lagu soo qafaashay shaqaale Reer Gableed ah oo dowlada Kenya ayaa sheegtay in lala soo aaday gudaha Somalia, Sidoo kale Weeraro dhowr ah ayaa ka dhacay Jaziiradda Lamu oo ku dhow xadbeenaadka kala qeybiya Somaliya Kenya bishii October ee sanadkii hore.


Kenya ayaa bishii October ee sanadkii hore dagaal ku soo qaaday Somalia iyadoo ka duuleysay Afduubyo iyo falal Amaan darro ah oo ay sheegtay in dhanka Somaliaay kaga yimaadeen balse tan iyo markaasi waxaa sii kordhayey weerarada joogtada ah iyo falalka amaan darro ee dalkaasi.