Dagaal culus oo xalay ka dhacay Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay dagaal aad u culus ku qaaday Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Afrikaanta ee ka socda dalka Uganda.
Dagaalka ayaa ku billowday madaafiic hoobiyeyaal ah oo lala dhacay xaruntaasi iyadoona ka dib dagaal toos ah lagu qaaday, waxaana dagaalkaas uu soconayay muddo ka badan saacad iyadoona geesiyaasha towxiidka ay adeegsanayeen gaadiidka dagaalka.
Ilaa hadda lama sheegi karo khasaaraha cadowga ka soo gaaray dagaalkaasi, hayeeshee waxaa saaka dhaq dhaqaaq ay ka wadaan hareeraha xeradaasi iyadoona loo badinayo in ay dhaawacyo iyo meydad ka soo daabuli doonaan xeradaasi.
Marar badan ayaa dagaallo ceynkaasi oo kale ah ay Mujaahidiintu ku qaadeen Xerada Maslaxa, iyadona taasi ay qeyb ka tahay howlgallada joogtada ah ee Mujaahidiintu ay ka sameeyaan gudaha Muqdisho, xilli cadowgu uu sheeganayo in magaaladaasi ay nabad ku heystaan.


