Maamulka Kenya ee Wajeer oo Soomaalida dagaanka kulan deg deg ah ugu yeeray.
Wararka naga soo gaaraya degmada Wajeer ayaa sheegaya in saaka maamulka Kenya ee degmadaasi uu kulan deg deg ah ugu yeeray waxgaradka iyo odayaasha Soomaalida ah ee ku nool degmadaasi, iyadoo lagala hadlayo weeraradi dhiigga badan uu ku daatay ee shalay ka dhacay magaaladaasi.
Ciidamada Booliska Gaarissa oo khasaare uu ka soo gaaray weerarkii shalay ayaa sheegay in ay Heleen xog sheegeysa dhalinyaro Soomaali ah oo farxad ka muujinayay qaraxyada isla markaana ku sugan gudaha magaalada Wajeer, balse arrinkan ayaa muujinaya gardarrada aan geedka loogu gamban ee Kenya ay ku heyso dadka Soomaalida.
Sidoo kale saraakiil Baleeska ah oo ka qeybgalaya kulanka maanta ayaa sheegaya in degmada Wajeer ay tahay saldhig laga abaabulo weerarada lagu qaado magaalooyinka kale ee dalka Kenya isla markaana ay joogaan dad lala xiriirinayo Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Lama oga kulanka Wajeer iyo natiijooyinka ka soo bixi doona.
Dhanka kale Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegaya in ay saaka baadigoob ugu jiraan raggii hubeysnaa ee weeraradii shalay ku qaaday kaniisadaha, waxaana ay ka shakisan yihiin ay ka baxeen degmada Wajeer ayna gaareen magaalooyin kale.
Raggaasi ayaa hub ka furtay 2 sarkaal oo Boolis ah markii ay dileen ka hor intii aaney weeraradooda fulin, waxaana arrinkan uu muujinayaa karti xumida ciidamada Kenya.
