Yaa Dhadhaab Wax ka Qafaashay? Yaase lagasoo furtay? ((Xog).

Written by Maamul on .

somalimemo.netDowladda Nasaarada Kenya maalmihii lasoo dhaafay waxaa heystay dhibaato dhanka amaanka ah kadib markii weeraro qorshaysan lagu qaaday magaalooyin Kenya maamusho dhimasho iyo dhaawacna loogu geystay saraakiil dowlada katirsan.

Jumcihii lasoo dhaafay ayay dablay hubaysan weerareen gaari ay lasocdeen dad caddaan ah oo u shaqeynayay Hay'ad  laga leeyahay wadanka Norweyn oo kamid ah dowladaha qaaradda Yurub.

Weerarka oo ka dhacay Xerada qaxootiga Dhadhaab waxaa lagu dilay muwaadin Kenyaan ah oo darawal u ahaay dadka caddaanka ah ee la qafaashay waxaana halkaasi lagasoo kaxaystay illaa afar ruux oo u kala dhashay wadamada Norway Canada  Filibiin iyo Pakistan.

Shakki ballaaran ayaa laga muujinayaa cidda qafaalka gaysatay iyo siyaasadda ka dambeysa qafaalkaasi, kolkii weerarkaasi dhacay ayaa waxaa afka furtay safaaradaha reer galbeedka ee magaalada Nairobi waxayna eedayn dusha uga tuureen dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay dayacday amaanka gaalada caddaanka ah ee gudaha dalkeeda ku sugan.

Saraakiil dhanka amniga ah oo sabtigii lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku guda jiraan sidii ay usoo furan lahaayeen shaqaalaha caddaanka ah ee Dhadhadhaab laga qafaashay, sarkaalkaasi wuxuu carrabka ku adkeeyey in raggii qafaalka geystay ay weli ku suganyihiin gudaha Kenya ayna baacsanayaan.

Kenya qafaalka dadka caddaanka waxay ku eedeysay in ay mas'uul ka yihiin mujaahidiinta Somaaliya waana caadada dowladda Kenya oo mar walba oo jug la gaarsiiyo mujaahidiinta Somaaliya usaarisa.

Xaqiiqda sidaasi ma ahayn  waxaana la rumaysanyahay in cidda weerarka gaysatay ay yihiin isla gacan Kenya Xiriir laleh,  ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in maleeshiyada qafaalka geysatay ay kamid ahaayeen canaasir isla cadawga katirsan.

Maleeshiyaadka lagamasoo furan lahaystayaasha balse waxuu ahaa isfaham dhaxmaray iyaga iyo Kenya oo markii horaba ay isku saf ahaayeen.

Maleeshiyaadka Qowlaysatada ah ayaa la sheegay in ay ku suganyihiin howdka dhaca duleedka Dhoobley waxayna bilihii lasoo dhaafay ahaayeen kuwa Gadood ah oo ka biya diidanayaan qaabkii loo qabsaday magaalada Afmadoow.

Adde Hassan
SomaliMeMo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it