Baadari u dhashay dalka Kenya oo ka digay faragelinta Kenya ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah Baadariyada Kaniisadaha dalka Kenya ayaa sheegay in Weerarrada iyo Qaraxyada lagu qaado Kaniisadaha ku yaalla dalkaasi ay sabab u tahay fara gelinta Ciidamada Kenya ay kusoo sameeyaan dalka Soomaaliya.
Baadarigan oo lagu magacaabo Balo Darmen waxa uu tilmaamay in isaga uu aamin san yahay in weerarkii maalintii Axadda ka dhacay labo Kaniisadood oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee dhulka Soomaalida ee xoogga ku heysato Dowladda Kenya ay ka dambeeyaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
”Alshabaab tan iyo markii Bishii October ee Sanadkii hore duullaanka lagu qaaday waxay ka goodiyeen in weerarro dhiig badan uu ku daato ay ka fulin doonaan gudaha dalka Kenya, taasi ayaana ahay arrinta hadda muuqata” ayuu hadalkiisa kusii daray Baadariga.
Isagoo wareysi siinayay Wakaaladda Wararka u faafisa Xarunta ugu weyn Kirishtaanka ee Vaticanka ayaa Baadari Balo Darmen waxa uu faah faahin ka bixiyay weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee labo maalmood ka hor lagu qaaday Kaniisado ku yaalla magaalada Gaarisa.
“ Abaarihii Afarta barqanimo ee maalintii Axadda ayaa waxaa weerar lagu soo qaaday labo Kaniisadood, Khasaaraha ugu daran waxa uu ka dhacay Kaniisadda African Enlad, waxaana halkaasi ku dhintay dad badan oo gudaha Kaniisadda ku jiray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Baadariga wuxuu tibaaxay in markii Bam baanooyinka lagu soo tuuray gudaha Kaniisadda ay dadku billaabeen inay banaanka usoo cararaan, balse Kooxihii hubeysnaa ayaa rasaas oodda kaga qaaday, waxaana halkaasi ku dhintay 18 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ilaalada Kaniisadda.
Hadalka kasoo yeeray Baadarigan Kenyaanka ah ayaa waxay kusoo beegmeysaa xilli Mas’uuliyiinta Dowladda Kenya ay weli iska indha tirayaan dhiig baxa ku socda Shacabkooda, kaasi oo dha dhiminaya qeyb ka mid ah Xasuuqa ay Ciidamooda ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya.
