Qafaalkii ugu darnaa oo Maanta ka Socda Degmooyinka Dayniile & Yaaqshiid iyo Suuqa Bakaaraha oo gabi ahaamba maanta xiran.

Written by Maamul on .

somalimemo.netQafaalkii ugu darnaa abid ayaa maanta ka dhacay Degmooyinka Dayniile, Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Magaalada Muqdisho halkaas oo saakay ay soo galeen Maleeshiyo fara badan oo ka tirsan DKMG iyo Amisom waxaana ay halkaas ka qafaaleen dad aan kun qofood ka yarayn kuwaas oo aan la ogeyn ilaa iyo hada meesha ay aadeen.


Dad ka badbaaday qafaalka ayaa SomaliMeMo u sheegay in ay arkayeen boqolaal Maleeshiyo Soomaali ah iyo Amisom oo wata gaadiidka Shabaqlaha loo yaqaano iyo hub fara badan kuwaas oo iyagoo qamaam ah gelayay Guryaha, Goobaha Ganacsiga, Dugsiyada Qur'aanka, Iskuulada, halkaas oo ay kasoo qabanayeen dadka ay da'dooda ka badantahay 10 Sano Rag iyo Dumar wixii ay ahaadaamba.


Maleeshiyada ayaa sidoo kale goobaha ay galaan waxay kasoo qaadanayeen wixii agab ah oo ay doonaan iyagoo sheegaya inay soo baarayaan, waxay kaloo dadka ay soo qabtaan ka qaadanayeen Mobilada, Saacadaha iyo wixii lacag ah oo ay haystaan, waxaana qafaalku uu si gaar ah diirada u saarayay dadka ay Sunadu ka muuqato Rag iyo Dumar noocay ahaadaanba.


Dhanka kale waxaa habi ahaan maanta Xirnaa Dhaqdhaqaaqa Suuqa weyn oo Bakaaraha kadib markii Maleeshiyada Soomaalida ah iyo Amisom ay maanta u diideen Gaadiidka iyo Dadku in ay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay sheegeen inay baaritaan ka samaynayaan, iyada oo aan weli la ogeyn qaabka ay wax uga socdaa gudaha Suuqa oo maalmihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqiisa ganacsiĀ  uu aad u liitay.


Lama oga sababaha dhabka ah ee ka dambaysa dhibaatooyinkaan ka taagan Magaalada Muqdisho ee ay geysanayaan DKMG iyo Ciidamada Afrikaanta ah ee taageerta, Dadka Maanta deegaanadooda la beegsaday ayaana dib u gocanaya sanadihii ay deegaanadooda ka taliyeen Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku tilmaamnaa Nabadgelyo iyo Ammaan aad u wanaagsan.

Liibaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy