Gaari Taw ah iyo Askartii saarnayd oo kubasbeelay Miino kula qaraxday Muqdisho
Guutada Qaraxyada iyo jugta culus ee Mujahidiinta Xarakada Al Shabaab ayaa si dardar leh usii laba jibaaray qaraxyada loo adeegsado Miinooyinka ee bartilmaameedka u ah Ciidamada Shisheeye iyo kuwa TFG-da.
Miinooyin Casri ah oo gawaarida Amisom dhulka lasimaya ayaa mudooyinkaan danbe si weyn waxaa u adeegsanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Taasi oo ay fajac ku beertay Saraakiisha Ciidamada Shisheeye.
Kolonyo katirsan ciidamada shisheeye oo socdaal ku marayay Deegaanka Gubta ayay mid kamid ah Miino kula kacday Nawaaxiga Kawaanka Suuqa Xoolaha Gubta ee Gobalka Banaadir.
Miinada oo aad uxooganayd ayaa burburisay guud ahaan Gaariga Tawga ah sida indhahooda ay ku arkayeen Boqolaad Dad ah oo maanta isagu soo baxay Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir.
Goobjooge lahadlay warbaahinta islaamiga ah ayaa sheegay in qaraxa kadib goobta ay isku faafiyeen ciidamada Nasaarada Amisom kuwaasi oo askar gubatay kasoo daad gureeyay Gaariga Tawga ah.
Waa Gaarigii labaad oo mudo lex cisho gudahooda Amisom looga qarxiyo Gudaha Magaalada Muqdisho.
