Wararkii ugu danbeeyey Howlgallo Raaf ah oo Maalintii 2-aad ka socda.
Wararkii ugu danbeeyey howlgalo Raaf ah oo maalintii 2-aad Magaalada Muqdisho ka wadaan Maleeshiyaad ka tirsan DKMG iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ah xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa.
Dadka deegaanka oo aan la xariirnay goor dhow ayaa waxay inoo sheegeen inay dhibaato kala kulmeen Maleeshiyaadka DKMG iyo kuwa Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ah, kadib markii ay galeen saakayto Xaafadaha Al-Hidaaya iyo Waxarcadde oo dhaca Cirifka Waqooyi ee Caasimada Magaalada Muqdisho.
Howlgaladan Raafka ah ee ka socda Magaalada Muqdisho 2-badan maalin ee ugu dambeysa ayaa lagu macneeyey mid lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah, gaar ahaan dadka ay ka muuqato Sunida.
Qaar ka mid ah dadkii dhawaan Raafka Muqdisho lagu soo qabtay oo dib xoriyadooda u helay ayaa sheegay in lagu soo daayay lacago madax furasha ah, waana ujeedka ugu weyn Howlgalada Raafka ah ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Raaf kale oo ay maanta ka sameeyeen Maleeshiyada DKMG Xaafada Laba dhagax oo ah goobtii lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Booliska oo dadka deegaankaasi mehradaha ganacsiga ku leh lacago baad ah inay bixiyaan ku amray ayaa waxay bilaabeen inay dadka wadooyinka iyo xaafadaha ka soo uruurshaan.
12 ruux oo u badan dhalinyaro ayaa la sheegayaa inay kala soo baxeen xaafadaha iyo waliba dugsiyo Qur’aan sida ruux goob jooge ah u sheegay SomaliMeMo oo si aad ah Isha ugu heysa Howlaha raafka iyo dhibaatooyinka kale ee shacabka Magaalada Muqdisho ku hayaan Maleeshiyada DKMG iyo Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ah.
Muqdisho si kasta oo ay Raaf iyo howlgalo dadka lagu dhibaateynayo uga fuliyaan Maleeshiyada DKMG iyo Afrikaanta waxaa sii badanaya howlgalada Dilalka, Qaraxyada iyo weerarada Saldhigyada dhinacyadaasi ay ku qaadaan xoogag Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab.
Libaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo Muqdisho


