Dagaal xalay ka dhacay duleedka Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Dagaal Xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab iyo kuwa Maleeshiyada DKMG ayaa xalay waxa uu ka dhacay Duleedka Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa socday in ka badan 30 Daqiiqo waxaana uu ku bilowday weerar ays oo qaadeen ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab, waxaana halkaasi ka dhashay Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac fara badan oo gaaray Maleeshiyada DKMG ah.
Saaka xaaladu waa mid dagan sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo xalay maqlayay hunugnka madaafiicda iyo hubka kale ee sida daran dooriga ah u dhaca oo ay Xoogaga Mujaahidiinta Alshabaab la beegsadeen fariisimaha Maleesshiyada DKMG.
Saraakiisha Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ee howlgalada ka wada magaalada Muqdisho degmooyinka kala duwan ee uu ka kooban yahay ayaa sheegay in ay dagaalkii xalay ku guuleysteen isla markaana qasaare culus gaarsiiyeen Maleeshiyaadka DKMG.
Habeen hore ayay ahayd markii weerar noocaani oo kale ah lagu qaaday Fariisin Maleeshiyada DKMG ay ku leeyihiin Isgoyska Cali Kamiin Degmada Wardhiigle kaasoo qasaare culus lagu gaarsiiyey maleeshiyaadkaasi oo dhibaato ku haya gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga ah ee ku yaala halkaasi.
Libaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo Muqdisho
