Saldhigyo Ciidan iyo Goobo Caafimaad ayaa gubtay Askar badanna Kenya Waa laga dilay, Goob Joogayaal Taabto Ku sugan ayaa yiri.
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ay duqeymo barbar socdeen oo xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Taabto ee wilaayada Islaamiga Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya Taabto ayaa sheegaya in madaafiic ay ciidamada muslimiinta ku garaaceen saldhigyada ciidanka Kenya ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho,dhaawac iyo burbur gaaray sahayda ciidanka Milleteriga Kenya isticmaalaan.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa madaafiic casri ah ku garaacay saldhigyada cadawga Kenya waxaana xigay dagaal culus oo ay mujaahidiintu ku qaadeen goobta, ilo wareedyo aan kasoo xiganay dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in dhimashada ciidanka Kenya ee xalay ay aad u badatay.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Xalay.
Ugu yaraan 10 katirsan ciidanka Kenya ayaa dhimatay 15 kalane dhaawacyo halis ah ayaa gaaray, waxay mujaahidiintu burburiyeen taliskii Taabto isgaarsiintii taliska ciidanka waxaa kale oo gobtay xarun ay dhanka caafimaadka u isticmaalayeen ciidamada cadawga Kenya.
"Teendhooyin goobta Milleteri ka dhax dhisnaay ayuu dab qabsaday holac ayaana ladareemayay, laba saacadood oo ay madaafiicdu ku hoobanaysay Taabto kadib ayay ciidanka Al Shabaab weerar toos ah soo qaadeen waxaana suuragal naqan waysay in diyaaradaha dagaalka Kenya maanta Taabto soo gaaraan si ay khasaaraha ciidanka gaaray u daad gureeyaan" ayuu yiri qof ku sugan Jubbada Hoose.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lagubay laba gaari oo ay ciidanka kenya u isticmaalayeen daad gureynta ciidamada.
Haraadiga Hub Casri ah oo Mujaahidiinta xalay isticmaaleen ayaa Taabto lagu arkay.
Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa saaka markii uu waagu baryay xeryahooda ka dhax helay haraadiga gantaallo casri ah oo qarxay arrinkaasi oo baqdi dheeri ah ku abuuray.
Mid kamida maleeshiyaadka Somaalida ee ciidanka Kenya la shaqeeya ayaa sheegay in gumacyada gantaalada markii ay Kenyaatigu arkeen ay ku qeyla dhaamiyeen "kani waa gantaaladii aan anagu dalka soo gelina oo nagula dhibaateynayo"!!.
Xaaladda deegaanada Kenya xoogga ku heysato ee Jubbada Hoose ayaa kacsan waxaana laga cabsi qabaa in weerarada mujaahidiinta kusii xoogeystaan.
Adde Hassan
SomaliMemo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
