Wariye ka tirsan TV-ga Universal oo ka bad-baaday isku day la doonayay in lagu dilo.

Written by Maamul on .

Maleeshiyo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin DKMG Soomaaliya ayaa caawa hoyga xaafada Korontada Degmada Wadajir uu ka dagan yahay Wariye ka tirsan TV-ga Universal dhaawac ugu geystay, iyadoo goobtii ay ka baxsadeen Maleeshiyaadkaasi.


Wariye C/qaadir Cumar C/dulle (Kuwaaral) oo ka tirsan TV-ga Universal Xarunta Magaalada Muqdisho ayaa ka bad-baaday sida wararku nagu soo gaarayaan fal dil ah oo ay doonayeen inay ku qaarajiyaan Maleeshiyaad ka tirsan DKMG, iyadoo la xaqiijiyey in kooxahaasi hoyga Wariyaha uu daganaa ku weeraray xili uu ka soo rawaxay howlahiisa Suxufino.


Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay SomaliMeMo Wariyaha isagoo ku sii jeeda hoygiisa ay soo daba galeen Maleeshiyo ka tirsan DKMG oo darees xiran, weerarkaasina dhaawac ugu geystay kadib markii dhowr xabadood la eegtay, kana baxsaday goobtii ay ku weerareen.


Lama kala garanayo ilaa iyo hadda xaalada Caafimaad Wariye Kuwaaral inay wanaagsan tahay iyo inay tahay mid halis ah, waxaase lagu soo waramayaa in wali uu ku jiro Qolka Khaliinka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.


Weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho ee lala bartilmaameedsado Wariyayaasha ayaa noqonaya kuwo ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan DKMG kuwaasoo ka horjeeda ceebahooda oo banaanka la soo dhigo maadaama xiliga doorashooyinka Agoosto ay soo dhowdahay, mas’uul walibana uu doonayo inuu dib isku soo sharaxo mar kale, dilalka wariyayaasha oo maalmahan magaalada ku soo kordhaya waxaa loo sababeynayaa arrimahaasi.


Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy