Dagaalo la isku gabbal dhacsaday oo ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Written by Maamul on .

Dagaaladan ayaa galinkii dambe ee maanta ka bilawday wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo Mujaahidiintu ku weerareen Fariisimooyin dhowr ah oo halkaasi ay ku lahaayeen ciidamada kuffaarta Afrikaanta  iyo maleeshiyaadka TFG-da.


Goobaha dagaalada xoogoodu ay ka dhaceen waxaa ka mid ahaa Xaawa Cabdi, Lafoole ilaa deegaanka Calamada kuwaasi oo ciidamada Xarakada Mujaahdiinta Al shabaab ay weerarka ku ekeeyeen.


Dagaalada oo ahaa kuwa lasyku gabal dhacsaday ayaa  waxaa jira goobo dhowra oo maleeshiyaadka TFG-du  isaga carareen kadib markii ay adkaysan waayeen kulaylka rasaasta Mujaahidiinta.


Wali waxa goobaha qaar laga maqlayaa daryanka rasaasta kala duwan, wararka hordhaca ahna waxay sheegayaan ee naga soo gaaray furumaha dagaalka in qasaare dhimasho iyo dhaawac leh loo gaystay  ciidamada Burundi iyo maleeshiyaadka dabadhoonka u ah kuwaasi oo ay kaga carareen gobihii galabta dagaaladu ay ku qabsadeen.