Qafaalka Shacabka Muqdisho muxuu ka bedalay weeraradii Mujaahidiinta ee gudaha Magaalada.? (Warbixin)

Written by Maamul on .

Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah uga soconaya howlgalo balaaran oo maleeshiyaadka TFG-da iyo ciidamada shisheeye ay ku qafaalanayaan dadka ku dhaqan gudaha magaalada, waxaana saddexdii maalin ee u dambeysay maleeshiyaadku ka qafaasheen magaalada Muqdisho kumanaan ruux oo badankooda ay ka qabqabteen degmooyinka Yaaqshid, Dayniile iyo Huriwaa, iyadoona dadkaasi ay ku gureen xabsiyada ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.


Hogaanka TFG-da ayaa howlgaladaasi ku sheegay in uu yahay mid ay ku sugayaan amaanka magaalada ayna uga hortagayaan weerarada Mujaahidiinta, si ay maleeshiyaadkooda uga yareeyaan weerarada kaga imaanaya dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.


Howlgalkan ayaa u muuqda mid fashilmay maxaa yeelay markastoo ay dad badan qafaalaan waxaa gudaha magaalada ku sii kordhaya weerarada,dilalka iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada kuffaarta Afrikaatna iyo maleeshiyaadka TFG-da.


Maalmihii u dambeyay waxaa gudaha magaalada ka dhacay qaraxyo dilal iyo dagaalo xiriir ah waxaana ciidamada shisheeye laga gubay dhowr gaari kadib markii qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho qaraxyo lagula eegtay, waxaa sidoo kale gudaha magaalada dilal qorsheysan loogu geestay saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka TFG-da kuwaas oo qaar ka mid  ah maalin cad lagu dilay gudaha Muqdisho, waxa intaa sii dheer dagaalo ka dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho sida Cali Kammiin iyo Saldhigga Yaaqshid oo Mujaahidiintu ay ku qaadayaan Saldhigyada Maleeshiyaadka.


Hadabo su,aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay, Howlgalka maalinkii saddexaad ka socda Muqdisho oo shacabka masaakiinta ah guryahooda loogu galayo wax ma ka badalay ama ma ka yareeeyay weeraradii uga imanayay dhinaca Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab?.


Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy