Marka ay Sagaaradu Damacdo in ay Aarka agtiisa Qori ka Jabsato. Abyad "Sagaar" oo raba in uu u jawaabo Sheikh Xassaan "Aar" waa aduunya Gadoon.
Xiligan hadda la joogo waxba ha Qariibsan, wax walba waa suurtagal, xataa hadii lagu yiraahdo Sagaaro ayaa isku taagtay Aar, rumayso oo ha Beenaysan maxaa yeelay wayba dhacday.
Abyad "Sagaar" oo maalmihii dambe ay xaaladu iskaga xumayd, ayaa u arkay in uu saaxada ku soo gali karo in uu ka hadlo Sheikh Xassaan Xuseen Aadam Abu Salmaan oo ah Wadaad asaga iyo Aarku ay meelo badan iska shabahaan.
Daa'ifada Muratada ah ee Ictisaam ayaa markii ay u adkaysan weyday Duruusta Sheikh Xassaan iyo Cadaynta khaladaadkooda gaalnimada ah ayey bilowgii horeba waxay isku dayeen in ay afka qabtaan Sheikh Xassaan oo ay aduunkaba ka qariyaan.
Wadaadka laga shakisan yahay in uu Jaajuuska u yahay Maraykanka iyo reer Galbeedka balse la hubo in uu xiriir muuqda la leeyahay Sirdoonka Kenya ee lagu magacaabo Shible ayaa Su'aalo xasaasi ah oo dareen xambaarsan waxa uu Baraha internetka usoo dhigay Sheikh Xassaan Xuseen waxana uu dalbaday in uu Sheikh Xassaan kasoo Jawaabo Su'aalahaas weliba si muuqata oo ku Qoran luuqadda Soomaaliga.
Qof kasta oo caqli leh wuu dareensanaa in Su'aalahaasi aysan ahayn kuwo loola jeeday Cilmi is weydaarsi balse ay ahayd mid Mukhaabaraati ah ama Sirdoon oo uu Shible la doonayey in uu cadayn u helo sida ay dad badan aaminsan yihiin Taqaariirtii uu ka gudbiyey Sheikh Xassaan Xuseen, Balse Aarkan Mucjisada ah ee Abu Salmaan ayaa si ka yaabisay dadkii mutaabacaynayey arintaan uga soo jawaabay Su'aalihii Istikhbaaraatiga ahaa ee Shible, weliba ayada oo uu Sheikh Xassaan Toosh ku ifiyey ujeedadii guracnayd ee laga lahaa Su'aalahaas.
Sheikh Xassaan Xuseen ayaa Risaalada oo carabi ku Qornayd waxa uu ku yiri hadal macnihiisu uu ahaa "Inkastoo aanan hadda ku jirin Qolka Taxqiiqa "Waraysiga Mukhaabaraadka", hadana waxaan hor taaganahay hay'ad Istikhbaaraati ah oo aad u weyn" Shible oo fahmay in lagu qabtay arinta ayaa afka labadiisa daan yeeray asaga oo dhahaya jaajuus ayaa la igu tuhmay.
Xiligaas oo xoogaa Qoraalo ah ay is dhaafsadeen Sheikh Xassaan iyo Shible ayaa mudo yar ka dib waxaa hawada ka baxay Shible oo cagaha wax ka dayey.
Xaqiiqada marka laga hadlo Shible waa ninka ugu tun weyn ee xoogaa bowsan kara marka laga hadlayo Daa'ifada Murtadada ah ee Ictisaam, asaga wixii ka soo haray waa Rucaac aysan waxba uga bilownayn Cilmiga Sharciga ah,


Hadaan usoo noqdo Abyad Sagaaro oo mar sii horaysay wax ka tolow tolow siiyey ayaa waxaa usoo ban baxay Aar car cartiisa qaba oo laga yaqaano furimaha Hore ee Jihaadka.
Waa Kuma Aarkaasi, waxaa taqaana oo garanaysa Furinta Hore ee Boondheere iyo Saaxada C/Caziiz, Sijaayadda Isbartiimada Muqdisho, Waxaa garanaya Manaabirta Masaajidda Muqdisho iyo kuwa Wilaayaadka Islaamiga, Waa Geesiga Islaamka iyo Khadiibka Mufawaha ah Sheikh Maclin Burhaan Xafidahullaah.
Macalin Burhaan ayaa Risaalo u Qornayd si Cilmiyeysan oo Asluubi ku dheehan tahay waxa uu usoo Qoray Abyad Sagaaro , waxana uu ka codsaday Munaadaro Cilmiyeysan, Abyad Sagaaro markii uu arkay Libaaxa soo hadlay iyo Qoraalkiisa ayuu si reer magaalnimo ah waxa uu u damcay in uu u Shukaansado Macalin Burhaan, waxana uu Jawaabtii uu soo diray ku soo Bilaabay " Maashaa Allaah, Macalin Burhaan Soo Dhawoow, waxaad tahay Sheikh Edeb iyo Akhlaaq leh , waad ka duwan tahay Saaxiibadaa, waxaad Tahay Khadiib aan Caadi ahayn, Khadiibka Xarakada Al Shabaab... way fiicnayd Qof adiga oo kale ah in aan kala hadlo arimaha Xarakada Al Shabaab,,,," Jawaabtii Macalinka waxay Noqotay, Xarakada Af hayeen uma ahi, wayna ka weyn tahay Xarakadu in uu Matalo Qof aniga ila Mustawa ah..." Waa Tawaaduca ee lagu Yaqaano Macalin Burhaan Xafidahullaah...
Halkaan ka Aqriso Risaaladii uu Macalin Burhaan kaga dalbaday Abyad Sagaaro Munaadarada
Halkaan ka Aqriso Risaaladii Dambe ee Macalin Burhaan uu soo qoray ka Hor inta uusan Abyad Cararin
Maalmo ka dib iyo muddo la sugayey Jawaabtii Abyad Sagaaro ee ku saabsanayd Aqbalidda ama Diidida Munaadarada, Abyad meel uu ka baxay ayaa la waayey Fakata... Muddo Sanad iyo xoogaa ahna waa laga nastay,
Hadda oo Ictisaam Ka Daa'ifah Miiska lasoo saaray, xukunkoodiina dhakab lagu siiyey, ayna la xukun noqdeen Tukaha iyo Dooliga "Jiirka" lana yiri Halagu laayo meeshii lagu arko, Fil Xilli Wal Xaram, Li Kufrihim Wa Li Irtidaadihim Can Diinillaaahi.. waxaa la waayey hal mid oo Juuq dhaha oo si cilmi ah uga jawaaba Muxaadaraadkii Sheikh Xassaaan,,
Abyad Sagaaro oo isa soo shaac bixinayey waxa uu saaxada la yimid waxaan dhagaystay hal Muxaadaro oo saacad iyo xoogaa ahayd.
Wixii Qawaacid iyo Usuul lasoo Qariray, wixii Aayaad, Axaadiith, Ijmaac iyo Aqwaal Culumo lasoo Naqliyey, Abyad Sagaaro waxa uu ka dhagaystay hal Cajal oo saacad iyo bar soconaysay, waxana uu doonayaa in uu ka Jawaabo, intaas ayaa Nuqsaan ugu filan.
Mudadii ay socotay Muxaaraadkii Sheikh Xassaan Xuseen Aadam Xafidahullaah, ma jirin hal nin oo ka mid ah kooxda Ridada ee Ictisaam oo ka hadlay ama Jawaab cilmiyeysan ka bixiyey Muxaadarada Sheikha.
Dhaqanka ay kooxdaasi leeyihiin ayaa ah hadii mid ka mid ah wax laga sheego ama lasoo hadal qaado in uu godka kasoo baxayo asaga oo isdifaacaya kadibna uu difaaciisa Diin ka dhigayo,
Abyad Sagaaro waxa uu xaska kasoo baxay markii la yiri " Saaxibu Madiinatil Ashbaax" Xamar waxay noqotay Madiinatul Ashbaax, Sheikh Xassaan ayaa kalmadaas yiri asaga oo Qoslaya markaas ayaa dadkii muxaadarada dhagaysanayey dhammaantood ku qosleen kalimadaas, Abyad Sagaaro midaas ayuu ka seexan waayey illaa uu kalmad qabto uu leeyahay waxbaan ku radinayaa, Bal Kalmadiisa dhagaysta oo wax cilmi ah kasoo saara, Ha Sheegin,,,
Gabagabadii waxaan leeyahay,,, Aduunku waxa uu maanta marayaa Xili ay Sagaaro isku taagto Aar, waana aragnaayoo Abyad Sagaaro ayaa isku taagaya Sheikh Xassaan oo Shabaha Aaarka.
Abu Muscab Al Madani


