Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo howlgalo ka fulisey magaalada Muqdisho.
Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ee gobolka Banaadir ayaa ka fulisey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada howlgalo la xariira Salaada iyo Xijaabka.
Dhalinyaro ka tirsan mujaahidiinta Xarakada Alshabaab ayaa si rasmi ah magaalada uga bilaabay howlgaladooda caadiga ah, iyagoo sheegay in aan lagu arki karin degmooyinka gobolka Banaadir Goob Ganacsi oo furan inta lagu guda jiro Xiliyada salaada, waxayna dadka farayaan inay camiraan Masaajidada.
Sidoo kale Gabdhaha iyo Haweenka ku nool Degmooyinka gobolka Banaadir ayay ugu baaqayaan ciidamada XSHM inay ALLE ka baqaan oo ay qaataan Xijaabka Sharciga ah ee ALLE ku faradyeelay.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa horay ku dhaqanka sharciga Islaamka kusoo rogay intabadan degmooyinka magaalada Muqdisho, hase yeeshee markii DKMG ah iyo ciidanka shisheeye lawareegtay degmooyinka gobolka Banaadir waxay cadawgu bilaabeen inay haweenka si xoog ah ku amraan inay Xijaabka iyo Indha Shareerka iska dhigaan, waxayna si arxan daro ah ugu dileen magaalada Haween Asturan.
Liibaan Jeexow Cabdi SomaliMeMo
Muqdisho
