Maleeshiyo DKMG ah katirsan Oo Gaari Shacab ah Ku Rasaaseeyay Lafoole.
Ugu yaraan 4 Ruux ayaa ku geeriyootay 5 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib markii maleeshiyo ka tirsan DKMG Soomaaliya ay si arxan daro ah rasaas u huwiyeen gaari MarkII ah oo ku sii jeeda Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa ayaa sheegay in lagu furay rasaas xili ay marayeen Agagaarka Degmada Lafoole, waxaana meydadka dadkii ku dhintay rasaastaasi arxandarada ah dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho, qaarkoodna waxaa loo qaaday Magaalada Baydhabo.
Wararka waxay sheegayaan in mid ka mid ah Maleeshiyada DKMG oo gaariga xoog ku soo raacay uu darawalkii ku amaray inuu jagboontiga dhaafo, hase yeeshee kooxdii kale maleeshiyada ahayd rasaas fara badan waxay ku fureen rasaas taas oo sababtay Khasaarahaasi intaasi la eg.
Ma jiraan Saraakiisha DKMG wax war ah oo ay ka soo saareen rasaasta culus oo ay ku harqiyeen gaariga MarkII ah ee ku sii jeeday Magaalada Baydhabo kana amba baxay caasimada Magaalada Muqdisho.
Falkan naxdinta leh ayaa ah mid looga bartay had iyo goor inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah Maleeshiyada DKMG Soomaaliya, iyadoo ay dhici karto in arrimahani ay ka dhashaan kacdoon shacab.
Liibaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho.


