Maxkamadd Hargaysa oo ku xukuntay Boqor Buurmadoow Xabsi Siyaasadeed
Maamulka Ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay nin oday dhaqameed iyo siyaasi isku ahaay oo in mudda ah caga jugleyn kala kulmayay Axmed Siilaanyo.
Saaka aroortii ayaa Raadiyaha iyo Telefeshinka maamulka Somaliland ee magaalada Hargaysa lagasii daayay war sheegaya in maxkamadda gobolka ay xukun ku riday Boqor Cabdullaahi Buur Madoow oo caan ka ah gobolada waqooyi galbeed Somaaliya.
Gudoomiya ku xigeenka maxkamada magaalada Hargaysa ayaa saxaafadda u sheegay in Buurmadoow lagu helay dembi ah aflagaaddo uu ugeystay madaxda maamulka Somaliland.
Buurmadoow oo kamid ahaay odayaasha dhaqanka waqooyi galbeed ayaa sanadadii dambe lugaha lasoo galay siyaasadda waxayna isqabteen maamulka Axmed Siilaanaayo iyo Daahir Rayaale Kaahin hogaamiyihii hore ee Somaliland.
Maxkamadda daaguutka Somaliland ayaa Hal sano oo Xabsi ah ku ridday Buurmadoow waxaana loo cuskaday qodobka 156-aad ee maxkamadda Hargaysa, inkastoo gudoomiyaha Hargaysa Cabdi Rashiid Durraan dhaawac ahaan loogu qaaday Jabuuti hadane maxkamadd ayaa ku adkeysatay in xukunka uu kasoo baxay Durraan.
Somaliland waxay cadaadi xoogan ku heysaa odayaasha dhaqanka oo ay u aragto in ay si tartiib tartiib ah siyaasadda awood ugu yeelanayaan ma ahan markii ugu horreysay oo maamulka Somaliland iyo salaadiinta beelaha isku dhacaan.
SomaliMeMo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


