Sh.Cali Dheere " Cadawgu Shacabka Muqdisho Sidii Xoolihii ayuu Xabsiyada ugu Gurayaa, Wax Mujaahidiin ahna kuma jiraan Dadka la qabtay" Dhagayso.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage "Sh.Cali Dheere" oo maanta Saxaafada Shir Jaraa'id u qabtay ayaa markii ugu horeysey ka hadlay Qafaalka maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho kaas oo Ciidamada Afrikaanta iyo Maleeshiyada Dabadhilifka u ah ee DKMG ay kusoo qab-qabteen dad kumanaan gaaraya oo Shacab ah kuwaas oo laga buuxiyay Xabsiyada ay Cadawgu ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Sh.Cali Dheere ayaa sheegay in Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Muqdisho uu Cadawgu sidii Xoolihii ula dhaqmayo, isaga oo aan kala saaraynin Caruur, Cirroole, Dhalinyaro, Dumar iyo Arday toona, wuxuuna sheegay in ay ka war-heleen in Dadkaas Lacago madax furasho ah laga qaado taas oo u dhaxaysa $50 "Konton Dollar" ilaa $2000 "Laba kun oo Dollar", arintaas oo ay ku kacayaan Ciidamada Afrikaanta ah iyo Maleeshiyada DKMG, Wuxuuna dadka kula taliyay inay arintaas ka kacdoomaan oo aysan marnaba Dullinimo ku raali noqonin.
Sh.Cali Dheere ayaa Gaashaanka u daruuray hadal maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxayay Madaxda Maleeshiyada DKMG kaas oo ahaa inay qab-qabteen 500 oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo uu ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn,Qof ka tirsan Ciidamada Mujaahidiintana aysan Cadawgu qabanin, Waxa ay arintaas ula jeedaan ay tahay in dadka ay qab-qabteen ay Yihiin dad Muslimiin ah oo dadnimo iyo Diin-ba la wadaaga Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in arintaas aysan wax saamayn ah ku yeelanin weeraradii ay Cadawga kula beegsanayeen Magaalada Muqdisho.
Dhanka Kale Sh.Cali Dhere ayaa sheegay in Shirkii dhawaan ku soo dhamaaday Magaalada Roma ee ay iskugu yimaadeen 28 dal iyo Hay'adaha loogu yeero Deeq-bixiyayaasha uu daaha ka rogey dhagarta iyo khiyaanada lala damacsan yahay dadka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka maadaama ay Wadamadii halkaas iskugu yimid si cad u sheegeen inay doonayaan in Diinta Islaamka iyo tan Kirishtaanka si siman looga wada dhaqan geliyo dalka Soomaaliya.
HALKAAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA'ID EE SHEEKH CALI DHEERE.
Waxaa uu sheegay in mujaahidiinta iyo dadka Muslimiinta ah ay waligoodba ogaayeen ujeedooyinka guracan ee Gaaladu ay ka leedahay Dalka Soomaliya, Balse hada ay dadka oo dhan u wada cadaatay, wuxuuna intaas ku daray in Qof walba oo maanta arintaas ogaada hadana aan u istaagin sidii uu Jihaadka uga qayb qaadan lahaa uusan Aduun iyo Aakhiro wax cudur-daar ah heleynin, uuna noqonayo qof Raali ku ah waxa ay gaaladu la damacsantahay Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Hadalka Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli xabsiyada magaalada Muqdisho ay la ciir-ciirayaan dad Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 5,000 oo qofood oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Muqdisho kuwaas oo qaarkood laga soo qab-qabtay guryahooda iyo Masaajida iyo Goobaha Ganacsiga, waxaana Maalmihii lasoo dhaafay bilaabatay in dadkaas qaarkood lasii daayo kadib markii Lacago Madax furasho ah la siiyo Afrikaanta iyo Maleeshiyada Soomaalida ah, halka qaar kale oo aan iyagu wax ay isku furtaan heli karin weli lagu hayo Xabsiyada Cadawga halkaas oo ay dhibaato ku haysato.
Gujji Halkan dhagayso Sheekh Cali Dheere
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
