Askari ka tirsan TFG-da oo maanta dad rayid ah ku laayey Suuqa Bakaaraha.

Written by Maamul on .

Barqanimadii maanta ayaa Askari ka tirsan TFG-da KMG dad rayid ah ku laayey Suuqa Cabdalla Shideeyaha Bakaaro, halkaasoo ay lacago Sharci daro ah ka wadaan Askartaasi inay goobaha ganacsiga ah ka qaadaan.

Save

Ganacsatada iyo Askariga oo ku murmay lacagaha baada ah ee uu dalbaday Askarigaasi ayaa waxay abuurtay in uu rasaas ku furay dadkii Ganacsatada ahaa ee ku soo baxay is qabqabsiga Askarigaasi iyo ganacatada, waxaana halkaasi ka dhashay Qasaare soo gaaray qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Cabdalla Shideeyaha ee Magaalada Muqdisho.


Inta la ogyahay 2 Ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay Rasaasta sida arxan darada ah Askarigaasi ugu harqiyey dadka Shacabka ah ee ku sugan Suuqa Bakaaraha, isagoo doonaya inuu lacago baad ah ka qaato goobaha Ganasiga waxaana diiday bixinta lacagahaasi ganacsatada oo ku tilmaamay lacagahaasi mid aysan ogayn ujeedka looga qaado waxa uu yahay.



Waxaa goobta falkaasi lagu xasuuqay dadka shacabka ah oo ganacsatada Suuqa Bakaaraha ka mid ah ka cararay Askarigii falkasi xasuuqa ah geystay, iyadoo dhaawacyada Ganacsatadana la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.



Suuqa Bakaaraha ayaa galay xaalad cakiran DKMG ayaa ku soo rogtay Ganacsatada inay bixiyaan lacago xad dhaaf ah, halka ganacsatada ay ka biyo diideen inay bixiyaan lacagahaasi aan lahayn ujeedada ay ku bixiyaan.