Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley.
Dagaalkan ayaa qarxay markii xalay saqdii dhexe cutubyo ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta ay weerar xoog leh ku qaadeen fariisimayaal maleeshiyaadka DKMG ay ka degan yihiin Xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Hubka culus iyo kuwa fudud oo ay dheer yihiin gantaallada garbaha laga tuuro ayay Ciidamada Mujaahidintu ku adeegsanayeen weerarkooda, iyadoona dagaalku uu waqti danbe sii xoogeystay daryanka rasaastana si weyn looga maqlayay dagaanka iyo xaafadaha ku teedsan sida ay ku waramayaan goob joogayaal.
Mid ka mid ah saraakiisha Mujaahidiinta ee Muqdisho oo saaka aan la xiriirnay ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu qeyb ka ahaa howlgallo si xiriir ah kaga soconaya degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona habeen hore ay aheyd markii Mujaahidiintu ay dagaal ku qaadeen guriga gudoomiyaha DKMG ee Heliwaa.
Khasaaraha dagaalkii xalay ee Xamar Jadiid ayay adag tahay in la ogaado, inkastoo saaka goobihii la weeraray ay dhaq dhaqaaq ka wadaan maleeshiyaadka DKMG, waxaana halkaas soo gaaray gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo aan la ogeyn qorshayaalkooda.
Dagaalada Muqdisho ka dhacay waxey imaanayaan waqti dhawaan kumanaan dad ay cadowgu ka qab qabteen degmooyinka magaalada iyagoo sheegayay in ay ka hortagayaan weeraradan oo kale, balse ma muuqato wali in ay baajin karaan weerarada qorsheysan ee gaalada lagula baacsanayo gudaha magaalada Muqdisho.


