Midow ay sameysteen odayaal iyo waxgarad Muqdisho jooga oo u hanjabay DKMG.
Warar xog ogaal ah oo ay heshay shabakadda SomaliMeMo ayaa sheegaya in ka dib markii dhibaatooyinka ka taagan magaalada Muqdisho ay korhdeen in odayaal iyo waxgarad midoobay ay u tageen masuuliyiin ka tirsan DKMG ah ayna hordhigeen cabasho ku aadan tacadiyada loo geysto dadka.
Midowgan oo laga abaabulay degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Yaaqshid ayaa waxaa ka jira masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee Muqdisho kuwaasi oo ka cabanaya dhibaatooyin qof waliba saameeyay oo ay shacabka ka sheeganayaan.
“qof kasta gurigiisa ayuu dhibku ugu tagay, ardaydii waddooyinka waamari la’yihiin, ganacsigii dhibaato ayaa ka taagan, xarigga dadka oo sharci darro ah ayaan aragnaa maalin kasta” sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Nin kale oo aqoonyahan ah ayaa dhankiisa tibaaxay xaafadda uu ka dagan yahay Muqdisho in maalin waliba guri qof lagala baxo, isagoona aad kaga ashtakoonayay dhibaateynta ardayda, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay askari dawladnimo sheeganaya oo wax dhacaya, dadka dilaya.
Midowgan ayaa dhaq dhaqaaqiisa xoojiyay labadii todobaad ee la soo dhaafay, waxaana ay taasi ka danbeysay markii dadkii ugu badnaa laga qabqabtay magaalada Muqdisho, inkastoo ilaa hadda aan la ogeyn sababta keentay kumanaanka dadka ah in loo qabto xiriirka Mujaahidiinta.
“Haddii la leeyahay dhibka in aan joojino ayaa nagu qasabtay waxaan; wali dhibku wuu taagan yahay, guryahoodii ayaa lagu weeraraa, waana la qarxiyaa, dhibaatadii marka shacabkana halagu daro ayau u ektahay arrintan” ayuu yiri nin ganacsade ah.
Ilo wareed ku dhaw Midowgaas ayaa sheegaya in taageero ay ka heystaan siyaasiyiin reer Muqdisho iyo saraakiil ku jirta DKMG ah kuwaasi oo ku eedeynaya xadgudubyada taagan shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan Ashahaada la dirirka (Nabad Sugidda), iyo maamulka gobolka Banaadir.
Dadka Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay wajahayay dhibaateyntii ugu badneyd iyadoona amaan darida jirta ay u sii dheer tahay hantidooda oo aaney la amaan helin, sida ay ka cabanayaan dadka reer Muqdisho.


