Askar Kenyaan ah oo ku hoobtay Dagaal Galabta ka dhacay duleedka Badhaadhe.
Dagaallo culus ayaa maanta ka dhacay deegaanno hoos yimaad degmada Kulbiyoow ee wilaayada Islaamiga Jubbooyinka kaasi oo u dhexeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo cadawga Kenya.
Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa xaqiijinaya in dagaal saacado qaatay uu maanta gelinkii dambe ka dhacay inta u dhexeysa Kulbiyoow iyo Badhaadhe.
Wariye Cabdi Kariin Xasan Abuu Abuukey Seyfullaahi oo ku sugan Jubbada Hoose ayaa Khadka taleefanka iigu sheegay in khasaar xoogan uu gaaray ciidanka cadawga Kenya kadib markii ay ku dhaceen Kamiin ay ciidanka muslimiintu u dhigeen wadada.
ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in mid kamida gaadiidka dagaalka Kenya uu ku gubtay dagaalka daryanka rasaasta iyo madaafiic ay is dhaafsanayeen ciidanka mujaahidiinta iyo kuwa Kenya ayaa laga maqlayay dhulka howdka ah ee lagu dagaalamayay.
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
