Maxkamadda Raddul Madaalim Oo Wejigeedi 1-aad lasoo Xiray (Dhageyso).
Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa maanta iclaamisay in lasoo gaba gabeeyay wejigii 1-aad ee maxkamadda Raddul Madaalim ee qaabilsan isku celinta dhulalka iyo hantida lakala heysto.
Maxkamadda ayaa maanta kala faslisay illaa 31 dhul oo isugu jiray dhulal beereedyo iyo guryo si sharci darra ah lagu kala heystay, sheekh Cabdul Xaq oo ah qaadiga maxkamadda ayaa sheegay in intii maxkamaddu furneyd ay kala xukmisay 183 dhul.
Waaliga Shabeelaha Hoose Sheekh Max'med Abuu Cabdalla oo isna ka hadlay munaasabadii maanta ayaa sheegay in cadaaladda islaamka ay dad badan oo ladulmiyay xaqoodi ku heleen wilaayaduna ay ku faraxsantahay talaabadaasi.
Halkan Ka dhagayso Waaliga Shabeelaha Hoose
Halkan ka dhagayso Sheekh Cabdul Xaq
Comments (0)

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.

