Dagaallo Laysku Gabaldhacsaday Oo ka socda Duleedka degmada Afgooye.

Written by Maamul on .

somalimemo.netFaah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo laysku habeensaday oo maanta duhurkii ka bilaawday deegaanno hoos yimaad degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada muslimiinta ayaa maanta weerar culus ku qaaday koontaroolka Laanta Buur ee duleedka Afgooye halkaasi oo ay saaka iskusoo fidiyeen ciidanka AMISOM iyo maleeshiyaadka DKMG ah.

Dagaalka ayaa qaatay muddo saacada ah waxaana ka qeyb qaadanaya gaadiidka dagaalka mujaahidiinta, dhawaqa rasaasta iyo madaafiic culus ayaa laga maqlayaa Afgooye iyo duleedka warar hordhac ah oo ay SomaliMeMo ka heshay Laantabuuro ayaa sheegaya in gaadiid ay wateen ciidanka cadawga waxyeello xoogan lagaarsiiyay.

Boqolaal katirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa caawa maqribkii dagaalka ku biiray taasi oo keentay in dagaalku sii kululaado warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidanka cadawga uu saadka Milleteri Gabaabis ka yahay waxaana fashilmay isku day ay ku doonayeen in ay furinta dagaalka dib uga gurtaan sababa laxariira rasaasta oo dhabarka dambe ugasoo dhacaysa.

Lasoco Wixii soo kordha