Axmed Madoobe Oo Nairobi lageeyay iyo Daahir Lugeey oo Maleeshiyaad Qorasho ku mashquulsan (WARBIXIN).
Dagaal Oogaha Dabadhilifka ah ee lagu magacaabo Axmed Madoobe ayaa qarka usaaran in ay xabsiga dhigto dowladda Kenya kadib markii uu isku dayay in uu maquuniyo Daahir Lugeey oo Kenyaatigu doonayaan in ay awood siiyaan.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiisha Kenya ay Axmed Madoobe kasoo kexeeyeen deegaanka Dhoobley kadibna ay soo marsiiyeen magaalada Gaarisa ee dhulka Somaalida Kenya gumaysato.
SomaliMeMo ayaa ogaatay in Axmed Madoobe oo saaran gaari nuuca Milleteriga Kenya isticmaalaan uu gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana loo diiday in uu dego guri dad qaraabadiisa ah ku leeyihiin xaafadda Islii ee Somaalidu ku badantahay.
Kulamo xasaasi ah oo ay saraakiil dowladda Kenya garwadeen ka yihiin ayaa xalay ka dhacay mid kamida Hotelada Nairobi waxaana lagu gorfeynayay daruurinimada in Axmed Madoobe wareejiyo maleeshiyaadka Somaalida ee Kenyaatiga ku wehlinaya duulaanka Jubbooyinka.
Siyaasiga Prof.Gaandi iyo Ibraahim Shukri ayaa iyana ku sugan Nairobi waxayna mas'uuliyiinta Kenya cadaadis ku saarayaan in ay Axmed Madoobe ku bedeshaan Daahir Lugeey oo taageera wanaagsan ka heysa Culimaa'udiin Mujaahidiinta kasoo horjeeda oo Nairobi kasoo saara fataawaadka.
SomaliMeMo ma xaqiijin karto in Axmed laxiray in inkale waxaase xaqiiq ah in Kenyaatigu ka fikirayaan mustaqbalka dagaal Ooge Madoobe oo ay u aaminsanyihiin dagaal Ooge Caqabad weyn ku ah qabsashada Kismaayo waa sida ay iska dhaadhiciyeene.
DAAHIR LUGEEY OO GEEL-JIRAYAAL CIIDAMEYNAYA
Iyadoo cadaadiskaasi siyaasadeed lagu hayo Axmed Madoobe ayuu Daahir Lugeey ku mashquulsanyahay ciidameynta dhalinyaro ay isku beelyihiin si ay garab ugu naqdaan duulaanka ay Kenya ku qaadday wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.
Lugeey ayaa xoola dhaqatada Dhoobley iyo Afmadoow siyaabo kala gooni gooni ah u shiriyay wuxuuna ka codsaday in juffa walba ay soo diyaariso 200 oo Geeljire taasi bedelkeedna uu lacag badan siin doono balse odayaasha ayaa arrinkaasi shaki ka muujiyay waxayna shuruud ka dhigeen in marka hore Daahir Lugeey soo hormariyo lacag ku dhaw Nus Miyan Dollar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in beelo uu Axmed Madoobe ku tashanayay ay garabkiisa ka bexeen ayna cadeysteen in waqtigan aanay diyaar u ahayn ka qeyb qaadashada dagaal ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed oo mugdi gelinaya madax banaanida dalka.
Warbaahinta Kenya ayaa dhankeeda wadda weerar dhanka saxaafadda ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe iyagoona ku tilmaamaya dagaal Ooge Kenya u adeega marka lagu dan gaarana la eryi doono.
Arrimahan oo idil waxay kusoo aadayaan xilli wilaayada Islaamiga Jubooyinka ay abaabushay qabaa'ilada Jubbooyinka oo dhaqaale xoogan iyo cudud ciidan ku wareejiyay mujaahidiinta Somaaliya.
Adde Hassan
SomaliMeMo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
