Khasaara Ka dhashay Qaraxyo Ka dhacay degmada Afgooye.

Written by Maamul on .

somalimemo.netFaahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo waaweyn oo xalay ruxay degmada Afgooye ee wilaayada Shabeelaha Hoose oo bilo ka hor ay gacanta ku dhigeen cadawga shisheeye ee Somaaliya kusoo duulay.

Wararka ka imaanaya Afgooye ayaa sheegaya in meydadka 2 Askari oo katirsan DKMG ah saaka lagu arkay agagaarka baar Ismaaciil ee Afgooye waxaana larumeysanyahay in ay ku dhinteen qaraxyadii xalay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyada lala helay goob ay maandooriyaha khaatka ku cunayeen maleeshiyaadka DKMG ah, amaanka Afgooye ayaa faraha kasii baxayay maalmihii lasoo dhaafay  dhibaatada ugu daran waxay heysataa shacabka muslimiinta oo dhac,dilal,kufsi iyo barakicin kala kulmaya cadawga magaaladaasi qabsaday.

Habeenno ka hor ayay maleeshiyaadka hubaysan toogteen laba qof oo isku qoys ah kuwaasi oo goob ganacsi ku lahaay bartamaha Afgooye, cadawga shisheeye ayaa Afgooye qabsaday 26,May,2012 wixii xiligaasi ka dambeeyay ayay Afgooye naqay meel amaan daran oo dadka lagu dhibaateeyo

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy