Dad Mareykan ah oo lagu laayay Gobolka Colorado .
Khasaara xoogan ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday goob ay gaalo Mareykan ah ku daawanayeen Shaneemo oo kutaalla magaalada Dever ee gobolka Colorado ee galbeedka Mareykanka.
Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa xaqiijinaya in rag hubeysan oo wejiyada soo xidhay ay toogasho ka geysteen Shaneemada dhaxdeeda xilligaasi oo dad gaallo ah si waalli ah ugu xoomeen bandhigga Filim loogu magac daray Batman.
Telefeshinka FoxNews ee mareykanka laga leeyahay ayaa si hordhac ah u sheegay in dhimashadu ay sii caga cageynayso 19 qof dhaawacuna ka badanyahay 50 qof oo dhmaantood ah dadkii isku imaatinka ku sugnaay.
Madaxweynaha Mareykanka Obama oo hadlay ayaa sheegay in weerarkani uu yahay mid halis ah, Raggii wejiyada soo xidhay ayaa isaga baxsaday goobta mana jirto cid gacanta ku dhigtay balseĀ booliska Mareykanka ayaa sheegay in ay qabteen qof ay ku tuhmayaan in uu xariir laleeyahay ragga weerarka geystay.
Dalka Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ugu amaanka xun caalamka waxaana daqiiqad walba ka dhaca dilal iyo dhac ay isku geystaan mareykanka dhaxdiisa.
lama oga in weerarkan ay fuliyeen dad Muslimiin ah iyo inkale bilihii lasoo dhaafay waxaa dunida ku badanayay Kaligii duulayaasha muslimiinta ah waxaana u dambeeyay weerarkii ka dhacay xarunta Amniga magaalada Dimishiq ee saraakiisha looga laayay Bashaar Al-asad iyo weerarkii Max'med Maraax uu ka geystay magaalada Tooloz ee Faransiiska.


