Dagaallo Culus Bartamaha Dimishiq Ka socda iyo Kacdoon Wadayaasha oo Al-Bookamaal lawareegay.
Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay magaalada caasimadda u ah wadanka Suuriya ee Dimishiq saacado kooban markii ay xalay xaaladdu degtay, ciidamada xoogaga Kacdoon wadayaasha ayaa isku dhereriyay jidka dheer ee isku xira saaxada Al-umawiyah iyo qasriga Bashaar Al-asad.
Wararka ka imaanata suuriya ayaa xaqiijinaya in dagaallo gacmaha layskula jiro ay ka socdaan bartamaha dimishiq, cutubyo katirsan ciidamada mujaahidiinta Jabhadda Nusrah Al-islaamiyaha ayaa weerar ku qaaday xarunta Booliska magaalada Dimishiq waxaana lamaqlayaa hugunka rasaasta iyo madaafiicda.
Ciidamada Jeysh-ka xorta ah ayaa iyana kumanaan katirsan ciidankooda ku daad gureeyay magaalada caasimadda halkaasi oo ay dagaallo uga jiraan, ciidamada nidaamiga ah ayaa dhankooda iska caabin xoogan wada waxayna ku guuleysteen in ay cadawgooda ka caabiyaan Bankigaa dhexe iyo meel ku dhaw xarunta sirdoonka.
Dowladda Suuriya ee sii dhacaysa waxay sheegtay in uu dhintay Heshaam Bakhtiyaar oo ahaay Madaxii Guddiga Amniga Qaranka Xisbiga Albacath ee Ishtiraakiga ah islamarkaana ahaay madaxii ugu sareeyay ee amniga Bashaar.
Heshaam wuxuu ku dhaawacmay qarax weyn oo arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay goob ay ku shirayeen wasiirro iyo saraakiil amaanka katirsan waxaana wasiirada dhintay kamid ahaa wasiirkii G/dhigga,arrimaha gudaha iyo canaasiir kale oo calawiyiin ah.
Dhinaca kale xoogaga kacdoon wadayaasha waxay qabsadeen dhamaan magaalooyinka dhaca xad beenaadka ay wadaagaan suuriya iyo Ciraaq, nin lagu magacaabo Cadnaan Al-asadi oo katirsan wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda shiicada Ciraaq ayaa sheegay in ciidanka Kacdoon wadayaasha ah qabsadeen magaalada Al-qaa'ib iyo Albookamaal oo xad beenaadka dhaca.
Mas'uuliyiin katirsan xoogaga kacdoonka wada ayaa iclaamiyay in inta lagu gudajiro bisha Ramadaan ay ka takhalusi doonaan dowladda dabadhilifka Suuriya, meelo badan oo Suuriya katirsan waxaa maanta ka dhacay dibad bax ciwaan looga dhigay "Guusho Ramadaanka Gudihiisa Dimashqa ayay ku qorantahay".
SomaliMeMo
Kismaayo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


