Qarax weyn oo xalay maleeshiyaadka DKMG lagula eegtay Degmada Balcad.
Qarax weyn oo khasaare geystay ayaa xalay gudaha degmada Balcad lagula eegtay maleeshiyaad ka tirsan DKMG ah kuwaas oo la sheegay in xilligii qaraxa lagu beegsanayay ay qayilaad ku jireen.
Inta la ogyahay tiro ka mid ah maleeshiyaadka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaas, waxaana la sheegay markii qaraxu dhacay in maleeshiyaadku ay rasaas u fureen dhinacyada kala duwan si ay u beegsadeen dhinacyadii weerarka ka danbeeyay.
Weerar caynkiisa ah waa midkii 3aad ee maalmo ka dhaca gudaha Balcad, iyadoona qaraxyadaasi ka dib ay maleeshiyaadku ku qamaamaan dadka shacabka ah, dhibaatooyina ay u geystaan.
Tan iyo markii degmada Balcad ay qabsadeen Ciidamada Afrikaanta ayaa waxaa ka dhacay degmadaasi falal amaan darri, iyadoona badanaa lagu baacsado maleeshiyaadka, iyaguna ay bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah, mararka qaarkoodna ay hantidooda dhacaan.


