Ciidamada Xabashida Itoobiya Oo Go'doon ku ah degmada Xudur (Warbixin).

Written by Maamul on .

somalimemo.netCiidamada Muslimiinta wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa ku guuleystay in ay jaraan saadkii ciidan ee cadawga Xabashida Itoobiya ugu geli jiray degmada Xudur ee xarunta wilaayada Bakool.

Wararka ka imaanaya Xudur ayaa sheegaya in dhamaan waddooyinka soo gala degmadaasi ay jareen ciidanka mujaahidiinta oo koontaroollo adag dhigay wadooyinka si ay cadawga ugu diidaan saad iyo sahay ciidan.

Sida muuqata cidda magaalada dhaq dhaqaaqeeda maamulaysa ayaa gacanta ku heysa magaalada waana mujaahidiinta marka lagasoo tago in Xabashida Itoobiya gudaha degmada gacanta ku hayaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xudur ay ka barakaceen dhamaan wixii shacab ahaay ee ku sugnaay kadib markii magaaladu isku bedeshay magaalo dagaal maadaama cadawga iyo mujaahidiinta mar walba ku dagaalamaan magaalada.

Majiro gaadiid geli kara magaalada iyo gaadiid ka bixi kara magaalada Xudur marka laga reebo dadka magaalada isaga baxaya oo ay mujaahidiintu fasaxeen.

Ninka Amxaarada ugu magacaaban Bakool Max'med Macalin Tool ayaa xaqiijiyay in ciidankooda dhibaata ku qabaan go'doominta ay mujaahidiintu Xudur saareen.

Isagoo wareysi siinayay Idaacad taageerta AMISOM ayuu sheegay in ciidamada XSHM ay si dadban u maamulayaan Xudur maadaama ay iyagu ogolaan karaan ama ay diidi karaan gaadiidka gelaya magaalada.

"Al Shabaab waxay xireen dhamaan waddooyinka soo gala magaalada Xudur majiro gaadiid geli kara Xudur iyo gaadiid kasoo bixi kara waa arrin aanan loo dul qaadan karin"ayuu yiri Max'med Tool oo Itoobiya ugu magacaaban guddoomiyaha Bakool.

Intabadan degmooyinka Bakool waxaa gacanta ku haya mujaahidiinta sida Waajid,Rabdhuure,Tayeeglow iyo Buur dhuxulle halka cadawga shisheeye ku suganyihiin magaalada Xudur oo kali ah.

Dagaal dhawaan ka dhacay tuulada Abaq Galoole ayaa ceel ku riday rejadii Amxaarada ka laheyd furashada waddo Xudur soo gasha, weerarada Dhabagalka ah ee ka dhaca Teed iyo Ceelbarde ayaa wiiqay awoodda ciidanka Xabashida ee Xudur fadhida.

SomaliMeMo
Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy