Labaatan Sanadood Kadib Kanaalka Mashalaay ee Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Dayactir helay (Daawo Sawirro).

Written by Maamul on .

somalimemo.netWilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose ayaa dayactir ku samaysay Biya-xireenka "Mashallaay" ee ku yaalla duleedka  Degmada Jannaale kadib markii ay daxalaysteen qaar ka mid ah biraha muhiimka ah ee uu Biya-xireenku leeyahay taas oo keentay inuu biyaha wabiga sidii loogu tala galay ugu kaydin waayo beeralayda halkaas ku dhaqan.

Dayactirka lagu sameeyay Biya-xireenka weeyn ee "Mashallaay" ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Wilaayada Islaamiga ah ee Sh.Hoose iyo dadka beeralayda ah ee ku dhaqan wilaayada  iyadoo Dayactirku uu socday muddo hal bil ah ayna ku baxday dhaqaale aad u fara badan.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Sh.Hoose Sh.Maxammed Abu Cabdalla oo gaba-gabadii Dayactirka ka hadlay ayaa sheegay in Biya-Xireenka Mashallaay uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Sh.Hoose  iyada oo ay ka faa'iideystaan beeralayda ku dhaqan affar Degmo oo kala ah  Jannaale, Qoryooleey, Kuntuwaareey iyo Buula-Mareer.


somalimemo.net

 



somalimemo.net

 



somalimemo.net


Sh.Abu Cabdalla ay sheegay in uu dhamaaday waqtigii ay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool dhulka ay Mujaahidiintu ka taliyaan wax ka sugi jireen Hay'ado shisheeye oo gaala ah ama NGO-yo qandaraas been ah soo qaata, taas badalkeedana dadka Muslimiinta ah iyo Mujaahidiintu ay danahooda iyagu qabsanayaan, isagoona intaas ku daray in Duullaanada uu Cadawgu soo qaadayo iyo Dagaalka ay Mujaahidiintu ku jiraan uusan ka mashquulin doonin inay dadka Bulshada ah u adeegaan wixii maslaxadooda ahna u istaagaan.

Ma aha markii ugu horeysey ee ay Mujaahidiintu Dayactiro iyo dhisme intaba ku sameeyaan goobihii danta guud ee ku bur-buray Dagaalladii sokeeye ee wadanka soo maray, iyadoo arintaasi ay qayb ka tahay waxa  Qabaa'ilka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Maamullada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay taageerada hagar la'aanta ah ula garab taaganyihiin Mujaahidiinta ayana naf iyo maalba ugu bixinayaan sidii ay uga sii talin lahaayeen dhulka ay deganyihiin.

 


somalimemo.net

 

 

somalimemo.net

 



somalimemo.net

 

 



somalimemo.net

 




somalimemo.net


SomaliMeMo
Marka,Somaliya

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it