Saraakiil Katirsan Jawaasiista DKMG ah Oo Dharaar Cad lagu Toogtay magaalada Muqdisho.
Xoogag hubaysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay saraakiil katirsan ciidamada Ashahaadda ladirirka DKMG ah ee u adeega shirkadaha shisheeye ee saldhigga ku leh xerada Xalane.
Maanta duhurkii ayaa isgoyska Carwo Iidko lagu weeraray illaa 5 kamid ah canaasirta Jawaasiista DKMG ah oo xiligaasi ku sugnaay goob Khaatka lagu iibiyo waxaana goobta lagu dilay 2 ruux oo jawaasiista katirsan waxaana dhaawac ahaan goobta looga tegay 3 kale.
Goob jooge ayaa SomaliMeMo u sheegay in Jawaasiista xilligii ladilayay ay khaat cunayeen mid kamida ahna wuxuu dhuuqayay Sakareet,"Shan Nin oo katirsanaay jawaasiista DKMG ah ayaa lagu weeraray meel ku dhaw isgoyska Carwo Iidko laba kamid ah waa ladilay sedax kalane iyagoo dhaawac ah ayay ka carareen kooxihii weerarka geystay " ayay tiri qof haween ah oo Muqdisho ku sugan.
Magaalada Muqdisho waxaa ka bilaabatay in dharaar ah waddooyinka lagu toogto kuwa la shaqeeya DKMG ah,xoogaga dilalka geysta ayaa dhankooda adeegsanaya wardoon heer sare ah sababtoo ah ragga ay beegsanayaan sida ciidanka caadiga ah uma labisna ee waa rag qaab jaasuusnimo ah ku shaqeeya.
Adde Hassan SomaliMeMo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


