Abaaro Saameyn Reebay oo ku dhuftay Dalka Mareykanka (Sawir)
Abaaro baahsan ayaa ku dhuftay wadanka Mareykanka oo ka mid ah wadamada ugu weyn caalamka islamarkaana sheegta in uu yahay wadan dhan walba uga sareeya dunida inteeda kale.
Wararka ka imaanaya gudaha mareykanka ayaa xaqiijinaya in Jafaaf daran uu ku dhuftay gobolada dhaca galbeedka,bartamaha iyo bariga mareykanka waxaana jira xoolo badan oo baahi u bakhtiyay.
Jariiradda Daily Telegraph ee dalka Ingiriiska kasoo baxda ayaa baahisay in roobabkii mareykanka ka da'i jiray ay sanadkan gobollo farabadan ka joogsadeen arrinkaasi oo saameyn ballaaran reebtay.
Dalagyo ay beeralayda mareykanka beerteen ayaa baaba'ay kadib markii ay soo daaheen roobabkii la sugayay, khasaara xoogan ayaa gaaray waxsoo saarka beeraha mareykanka gaar ahaan Galeyda iyo mesegada oo ay ku tiirsanaayeen malaayiin shacabka mareykanka katirsan.
Dhibaatada dhanka maaliyadda ah ee kajirtay mareykanka ayaa horay u saameysay bulshada mareykanka abaartan dhanka dalagga ahna waa dhibaato kale oo gaalada mareykanka ku habsatay.
Abaarta Oo dishay Geedo iyo Dalagyo
Emma Rowley oo ah dhaqaalayahan Mareykan ah ayaa dhibaatadan dhanka Jafaafka ah ku tilmaamay mid faqri ka dhigaysa malaayiin dad mareykanka ah oo waqtigii hore dhaqaalahoodu ku tiirsanaay tacabka beeraha.
Bankiga Barclays Bank ayaa ku dhawaaqay in abaarta Mareykanka ku dhufatay ay musiibo hor leh ku naqan doonto mareykanka haddii aan dhaqaale deg deg ah ah lala gaarin beeralayda.
Ascaarta dalagyada ayaa aad uga qaali garowday mareykanka waxayna saameyn ku yeelatay dowladda Kirishtanka Ingiriiska oo Galleyda iyo Qamadiga dhanka mareykanka kasoo dhoofsan jirtay.
Abaarta Mareykanka ku dhufatay ayaa lafilayaa in ay sii jirto illaa bisha October ee sanadkan, aqoonyahanno mareykan ah ayaa arrintan ku tilmaamay mid dhaawacaysa xadaaradda ay America sheegato.
