Xubno kale oo isaga baxay Shirka Odayaasha Dhaqanka Muqdisho (Warbixin).
Iyadoo maalintii shalay uu Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamad Xasan Xaad iyo ku xigeenkiisu iska casileen Shirka Odayaasha dhaqanka isla markaana isaga baxay ayaa warar si hoose noo soo gaaray saaka waxa ay sheegayaan in ay Shirka Odayaasha Dhaqanka Muqdisho isaga baxeen Xubno kale oo fara badan
Xubnaha Odayaasha Dhaqanka ee shirkan ka baxay oo aan la hadlin saxaafada hase yeeshee saacadaha soo socda ka hadli doona ayaa waxay sabab uga dhigeen ka bixitaanka ka mid ahaanshiyihii Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ee la filayay inay ansixiyaan Dastuurka Qabyo Qoraalka ka hor’imaanaya Diinta Islaamka inay ceeb ku tahay ansixinta Dastuurka oo ay ku jiraan Qodobo fara badan oo aan u Cuntamayn Ummadda Soomaaliyeed.
Odayaashan ka baxay shirkan oo tiradooda kor u dhaafaya 8-Xubnood ayaa noo sheegay inay qaateen iyaguna mowfikii ay shalay qaateen Xaad, ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo fara badan oo isaga baxay shirkaasi.
Sidoo kale xubnahan waxay sheegeen inay dhankooduna dib dambe ugu soo laaban doonayn ilaa wax laga qabanayo qodobada Dastuurka ku jira oo ay ka biyo diideen kuwaasoo ay ka mid yihiin qodobo si cad uga hor’imaanaya Diinta Islaamka.
Xubnahan is casilay ayaa waxa ay dhabar jab ku noqonaysaa Shirka Ansixinta Dastuurka oo la rabo in maalinta bari ah lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoona maalintii shalay Maxamad Xasan Xaad uu kashifay Siraha Shirkaasi.
Horay ayay waxgaradka Ummadda Soomaaliyeed talooyin ay u jeediyeen odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan ansixin dastuurka, maadaama uu yahay mid ka hor’imaanaya Diinta Islaamka, Ummadda soomaaliyeed ay yihiin dad Islaam ah, hase yeeshee koox caado qaadato ah dhaqaale ku soo qaateen sidii Dalka looga hirgelin lahaa Dastuur aan raad ku lahayn Diinta Islaamka.
