Sh.Abu Cabdi Raxmaan " Odayaashu waa calooshood u shaqaystayaal, Waana ku qasbanyihiin inay Ansixiyaan Dustuurka gaalada" Dhagayso.
Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir Sh.Maxammed Xasan Cumar Abu Cabdi Raxmaan oo waraysi siiyay Idaacada Islaamiga ah ee Al-Andalus ayaa sheegay in dowladaha reer galbeedka ay wadaan xusul duub ballaaran oo ay ku doonayaan in ay Odayaal dhaqameedyo lasoo aruuriyay uga ansixinayaan dastuur gaaleed.
Abuu Cabdi Raxmaan wuxuu sheegay in Odayaashu ay yihiin calooshood u shaqeystayaal aan waxna diidi karin "kuwaasi waa calooshood u shaqeystayaal aan waxba diidi karin oo waqtigii larabo ayay gaaladu marsiisanayaa waxa ay rabaan"ayuu yiri waaliga Banaadir.
Dhinaca kale wilaayada Banaadir ayaa war kasoo saartay dadka masoomayaasha ah ee ku sugan qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar Weyne oo iyadoo maalin Ramadaan ah ay furanyihiin goobaha ganacsiga sida Maqaayadaha iyo biibitooyinka laga cabo cabitaanada.
Abuu Cabdi Raxmaan ayaa ugu baaqay shacabka muslimiinta in ay iska qabtaan masoomayaasha isagoona kuwa fusuqada aan soomeyn uga digay in ay falkaasi kusii jiraan ciidamada wilaayaduna talaab ka qaadi doonto.
Halkan ka dhagayso Wareysiga Abuu Cabdi Raxmaan
