Xildhibaanno ugu goodiyey Mahiga in ay Shabaabul Mujaahidiin Ku Biirayaan!!.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dadaallo ay waxa loogu yeero beesha caalamka ku doonayaan in ay ku kala diraan hay'adaha fadiidka naqday ee DKMG ah kuwaasi oo muddo kabadan 8 sanadood ay biilayeen Ururo reer galbeed ah.
Q.Midoobe ayaa doonaysa in ay KMG-nimada ka saarto wakiiladeeda Somaaliya balse waxaa soo baxaya caqabado xoogan oo arrinkaasi ku aadan.
Maanta Muqdisho waxaa lagu shiriyay odayaal dhaqameedyo lacago lagusoo ijaartay kuwaasi oo Afgembi ku qabsaday shaqadii golaha Dawaagiidda baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aden maanta mahayo waax xil ah sidoo kale Shariif Sh.Axmed iyo Gaas ayaan iyana wax xil ah heyn waxaana dusha sare ka maamulaya Mahiga oo wakiil ka ah waxa loogu yeero beesha caalamka.
A.Mahiga ayaa lacagaha mushaaraadka ah dhawaan u qeybiyay Odayaasha dhaqanka halka dowladda Turkiga ay Odayaasha dalkeeda kusoo dhaqan xumeysay, dadaal dhan walba ah ayaa loo galay in Odayaasha mar uun laga ansixiyo dastuur gaaleedka Somaaliya ladoonayo in lagu maamulo.
Mahiga oo wareysi siiyay BBC-da qeybta Bariga Afrika lahadasha ayaa sheegay in Baarlamanka soo socda ee TFG ay iyagu soo xuleen ayna ka dhigeen 275 xildhibaan waana xaqiiq kale oo muujinaysa in dalka Somaliya uu gumeysi hor leh galay.
Xildhibaano markii lagu shaqeystay laga tegay oo aan lagu darsan liiska baarlamanka cusub ayaa maanta Muqdisho shir saxaafadeed ku qabtay waxayna sheegeen in ay talaab kale qaadi doonaan.
Iyagoo warbaahinta lahadlayay ayaa ku hanjabeen in ay dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kusoo biirayaan!!.
“Kooxda Al-shabaab oo ah dad Soomaaliyeed oo cadow loo gacan galiyay oo liis madow lagu qoray dhalinyaradii soomaaliyeed kaxeysatay, diintiina iyo dalkiina difaacda la yiri oo ciil iyo caro halkaa geysay, maaanta inaan la shaqeyno oo Baarlamaan Shabaab oo Muqdisho fariisto noqono ayaa laga shaqeeyay waana u fariisan doonaa “ ayuu yiri Xildhibaan Bood Cabdalla oo warbaahinta lahadlay.
Xildhibaanadii hore ee Baarlamanka ayaa Mahiga ku tilmaamay shakhsi gumeysi hor leh sii gelinaya dalka Somaaliya, xildhibaanada kala ah 1-Cabdu Qaadir Muuse Ciiro 2-Bood Cabdalla Magan iyo Cabdu Qaadir Sheekh Ismaaciil oo wareysi siiyay idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa ku cataabay in ay XSHM ku biiri doonaan haddii aan liiska Xildhibaanada lagu darin.
Warkan kasoo yeeray Xildhibaanadan Mahiga ka careysan ayaa u muuqda mid Owrkacsi ah XSHM-na waxay ka aaminsantahay in ay Riddo ku dhaceen.
SomaliMeMo
Muqdisho
Somaliya
