Askar Burundeys ah oo Ceelasha lagu dilay,Weerar Dhabagal ah oo Dhacay,Taliyihii PS-ta Kaaraan oo la khaarijiyay iyo Warar Kale (Faah Faahin).
Howlgallo ballaaran oo ka dhan ah cadawga shisheeye ee kusoo duulay maamulada islaamiga ah ee dalka Somaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.
Weeraro dhabagal ah oo maanta siyaaba kala duwan uga dhacay muqdisho duleedkeeda waxaa lagu dilay ciidamo Burundi iyo Somaali ah kuwaasi oo qeyb ka ah duulaanka Asahaadda ladirirnimo ee Somaliya lagusoo qaaday.
Maanta barqadii ayaa weerar kamiin ah loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Shariif Cabdi Nuur Ex.Xaawo Cabdi waxaana weerarkaasi lagu burburiyay gaari qooqan ah waxaana si dirqi ah ku baxsaday gaari Cabdi Bile ah iyo maleeshiyaadkii la socday.
Ilo war gal ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidmada XSHM ay maanta wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho gaaf wareegayeen waxayna ilaashanayeen dhaq dhaqaaqa gaadiidka cadawga ee isaga kala gooshaya Muqdisho iyo Afgooye.
Askar Burundeys ah oo Ceelasha lagu dilay.
Gabaldhicii maanta ayay ciidamada muslimiinta weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen cadawga Burudi waxay ku socdaalayeen agagaarka halka loo yaqaan Hormuud Dooraale ee Ceelasha Biyaha dhanka Bari kaga beegan.
Saraakiil katirsan mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in weerarkii galabta lagu dilay 3 katirsan ciidamada Burundi iyo dhaawac gaaray tirakale oo kamid ahaay kolonyada laweeraray.
Taliyihii PS-ta Kaaraan oo ladilay.
Isla howlgalada mujaahidiinta ee muqdisho ayaa aad u batay 48 saacadood ee lasoo dhaafay, gabadlhicii maanta ayay ciidanka mujaahidiinta wilaayada Banaadir waxay toogasho ku dileen taliyihii PS-ta cadawga ugu magacaawnaay degmada Kaaraan.
SomaliMeMo ayaa ogaatay in la khaarijiyay Cabdi Sharax iyo ciidan ilaala u ahaay xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Ceel Cali Geedi ee degmada Kaaraan, dhinaca kale qaraxyo waaweyn ayaa caawa ruxay 4-ta derjiino iyo Baar Ubax dhamaantoodna cadawga ayaa lalahelay.
SomaliMeMo
Muqdisho
