Maleeshiyo Beeleed Ku Loolamaya Dharkeynley iyo Imaamkii Masjidka Dabaqeynka oo Lasoo daayay.
Shacabka ku dhaqan degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka muujinaya maleeshiyaad taabacsan DKM ah oo dhac iyo dilal ka geystay degmadaasi.
Afartii maalmood ee lasoo dhaafay Dharkeynley waxaa ka dhacayay dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad kawada tirsan DKMG ah kuwaasi oo isku heysta isbaarooyin gaadiidka BL-ka ah lacago baad ah looga qaado.
Maleeshiyadan mooryaanta ah ayaa marka ay dhaxdooda loolamayaan qaab beeleed isku dila marka ay ciidamada Afrikaanta ku faramuqayaan dadka Ahlu Towxiidka ahna waji kale lasoo baxa.
Xaafadda Tabakaayo Madoow waxaa maalmahan ku dagaalamayay maleeshiyaadka DKMG ah oo isku mari la' lacagaha baadda ah oo ay ka qaadaan gaadiidka dadweynaha ee degmadaasi isaga kala goosha.
Qof ku sugan Dharkeynley ayaa SomaliMeMo u sheegay in maanta iyo shalay ay labada dhinac ku dagalamayeen Tabakaayo madoow waxayna dhimasho iyo dhaawac ugeysteen dad rayid ah.
Dagaal maanta ka dhacay Tabakaayo Madoow ayaa loogu awood sheegtay maleeshiyaad horay isbaaro ugu tiilay goobta waxaana meelihii lagu dagaalamay lawareegay maleeshiyo beeleed Yusuf kabaalle taabacsan.
Dhinaca kale waxaa xuriyadiisa dib u helay imaamkii masjidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeynley oo ay dhawaan xireen ciidamada Burundi isaga iyo qaar kamid ah arday kutubo ka raacan jirtay masjidka, imaamka ayaa ka gaabsaday in uu warbaahinta lahadlay isagoona sababa amaan aawgeed uga cudur daartay ka hadalka dhibaatadii uu kala kulmay xabsiga iyo waxyaabaha lagu heystay.
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
