Maleeshiyada DKMG oo xalay magaalada Muqdisho ka sameeyey howlgal lagu qabqabtay dad shacab ah .
Howlgalo ay xalay maleeshiyo ka tirsan DKMG ka sameeyeen Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Wardhiigley ee gobolka Banaadir ayay ku soo qabqabteen dad rayid ah oo u badan dhalinyaro Xaafadeed, iyadoona maleeshiyaadkaani intii ay howlgalka wadeen ay dhac ka geysteen Mehrado ganacsi oo ku yaala xaafadaha Degmooyinkaasi.
Howlgalka xalay ayaa laga sameeyey Xaafado ay ka mid yihiin Towfiiq, Suuq Bacaad, Jiiro Al-towba, Huriwaa, Siinaay, Cali Kamiin iyo Xaafado kale oo ka wada tirsan degmooyinkaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in howlgalkaasi xalay ay sameeyeen maleeshiyaadkaasi ku qabqabteen dhalinyaro u badan Ciyaal iskooley, waxayna goobjoogayaashu xaqiijiyeen in dhowr Meheradood oo ganacsi ah ay dhac u geysteen Maleeshiyaadkaasi.
Maleeshiyada DKMG ayaa la sheegay in howlgalka aysan ku soo qaban wax hub ah, hase yeeshee waxay dhibaato u geysteen dadka shacabka ah oo xaafadaha iyo wadooyinka laamiyada ka qabqabteen kana Raafeen halkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Maleeshiyadu ay qabteen Haween una taxaabeen Saldhiga Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Wardhiigley, waxaana la ogayn xaalada haweenkaasi ay ku sugan yihiin.


