Xildhibaan ka tirsan DKMG oo xalay hoygiisa lagu weeraray.

Written by Maamul on .

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Wehliye Waqaa oo ka tirsan Baarlamanka DKMG ayaa xalay hoygiisa lagu weeraray dhowr Bam gacmeed kaas oo sababay qasaaro kala duwan.

Qaraxyadaasi kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyey labadaasi qarax ee lagu weeraray Hoyga Xildhibaan Maxamuud C/laahi Wehliye Waqaa, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Xildhibaan Waqaa oo ka hadlay weerarkaasi ayaa ku eedeeyey maleeshiyo ka tirsan Booliska DKMG oo goobta ku sugnaa, islamarkaana sheegay in Hay’adaha Amaanka inaysan waxba ka qaban Arrimaha Amaanka.

“Hay’adaha Amaanka Sestamka Dhan ay ku shaqeeyaan waa mid uu qof leedahay Camal, amaan ay sugaan ma jirto aniga gurigeyga Ragga soo weeraray ciidan Boolis ah ayay ahaayeen waxaa noo sheegay nin Xaafada Waardiye ka haya kaas oo sheegay in guriga agtiisa ay joogeen xiliga qaraxa uu dhacayay laba Boolis ah cid kalena kuma sugnayn” ayuu yiri.

Amaanka Xildhibaanada Baarlamanka DKMG ayaa u muuqanaya mid Qatar galaya, iyadoo weerarkii xalayna uu ahaa mid aad u xoogan oo la doonayay in lagu qaarajiyo Xildhibaan Waqaa.

Weerarkan Bam gacmeedka ah xalay lagu qaaday hoyga Xildhibaankaasi ayaa imaanaya xili hay’ada nabad sugida DKMG ay sheegtay inay sugeen Amaanka Magaalada Muqdisho, wuxuuna weerarkan ku tusinayaa in caasimada Magaalada Muqdisho amaankeeda aan la isku halayn Karin xiliga habeenkii iyo waliba maalintiiba oo ay ka dhacaan dilal iyo Qaraxyo.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy