Banaanbax laga leeyahay dano gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho.

Written by Maamul on .

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Banaanbax laga leeyahay dano gaar ah islamarkaana maamulka gobolka Banaadir ee DKMG uu soo abaabulay ka socda Caasimada magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Banaanbaxan oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in uu yahay mid dano gaar ah maamulka ka leeyahay, iyadoo dad isku soo baxay ay badankood yihiin dad dhaqaale lagu bixiyey inay isku soo baxaan si Filmo iyo sawiro looga qaato, waxayna socod ku soo mareen wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa loo meeriyey inay ku qeylo dhaamiyaan inay ku faraxsan yihiin Dastuurka Gaalada kaasoo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir DKMG oo ah nin ku caan baxay isku soo dubaridka banaanbaxyada iyo abuuritaanka ka beensheegida shacabka Soomaaliyeed ayaa hormuud u ah Banaanbaxa maanta ka socda Magaalada Muqdisho oo shacabka Soomaaliyeed aysan raali ka hayan, hase yeeshee dad dhaqaale jeebabka loo soo galiyey ay horboodayaan.

Maleeshiyo ka amar qaata maamulka Gobolka Banaadir DKMG ayaa waxa uu gaaray Taalada Sayidka oo ay ku soo aruureen dibad baxayaasha si ay Amaanka u sugaan, hase yeeshee cabsi aad u xoogan ayaa ka jirta halkaasi.

Dastuur beenaalaha ka socda Magaalada Muqdisho ee gaalada reer galbeedka ay wataan ayaa Magaalada Muqdisho ka socda, iyadoo Ergada Ansixinta Dastuurka loo meeriyey in haddii ay diidaan iyo haddii aysan diidinba  Dastuurka uu dhaqan galiyo.