Maleeshiyo ka wada tirsan DKMG oo maanta isku dagaalay lacago ay Ganacsato uga dhaceen Suuqa Bakaaraha.
Iyadoo Maleeshiyada DKMG mar waliba dhacaan, Kufsadaan, Dilaan dadka shacabka ah iyo Ganacsatada islamarkaana isku dagaalaan hantida dadka rayidka ah ay ka dhacaan ayaa maanta waxay isku rasaaseeyeen Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Israsaaseynta ayaa ka dhacay Qeybta Bacadlaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay maleeshiyaadku isku dagaaleen hanti ay ka dhaceen Goobo ganacsi oo lagu iibiyo Dharka.
Waxaa halkaasi qasaare ka soo gaaray hal ruux oo rayid ah oo ku dhaawacmay rasaasta maleeshiyada ay isku fureen sida uu SomaliMeMo u xaqiijiyey goobjooge halkaasi ku sugnaa.
Degmooyinka gobolka Banaadir iyo Suuqyada mar waliba waxaa dhac ka geysta maleeshiyaadka, isna rasaaseeya iyadoo salka ku heyso hantida Ganacsatada ay ka qaataan iyo kala shakin dhexdooda ah.


