Dagaallo Culus Oo Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Qaraxyo magaalada Gilgilay.
Dagaallo culus ayaa caawa fiidkii ka dhacay wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo Afrikaan ah iyo maleeshiyaad mooryaan DKMG ah raacsan.
Dagaalada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada muslimiinta weeraro saf ballaaran ku qaadeen cadawga, dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay Lafoole iyo Ceelasha biyaha oo jabaqda rasaasta marqura isqabsatay.
Saraakiil katirsan ciidanka XSHM ayaa sheegay in dagaalkii caawa ka dhacay degmada Lafoole ay ku dileen ciidamo shisheeye iyo Somaali Dabadhilifyo isugu jira.
Dhinaca kale qaraxyo xoogan ayaa caawa ruxay degmooyin katirsan magaalada muqdisho weerar qarax ah oo caawa fiidkii degmada Waaberi ka dhacay ayaa lagu dilay nin sarkaal ah.
Qarax kale oo ka dhacay Xamar waxaa lagu dilay 2 Askari iyo dhaawac gaaray askar sidoo kale qaraxyo ayaa caawa ka dhacay degmada Xamarweyne balse lamasoo sheegin khasaaraha DKMG ah kasoo gaaray.
Dagaalada iyo qaraxyada caawa ruxay Muqdisho ayaa been ka dhigaya warkii dhawaan kasoo yeeray AMISOM iyo DKMG ah oo sheegayay in Muqdisho ay tahay amaan islamarkaana shirka Ansixinta Dastuurka si nabad gelyo ah ku dhacayo.
SomaliMeMo
Muqdisho Somaliya
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


