Tartan Aqooneedka Idaacadda Andalus Oo Caawa ay ku loolameen Kismaayo iyo Buula Mareer.
Barnaamijka tartan aqooneedka idaacadda islaamiga Andalus ayaa caawa ahaay mid xiisa leh waxaana ku baratamayay laba kamid ah degmooyinka dalka Somaaliya ee sharciga Alle lagu maamulo.
Tartanka bisha Ramadaan oo caawa habeenkiisi Todobaad galay waxaa aqoontooda kusoo bandhigay degmooyinka Kismaayo oo katirsan Jubbooyinka iyo Buulamareer oo katirsan Shabeelaha Hoose.
Labada Kooxood ayaa caawa soo bandhigay karti iyo aqoon waxaana laga dareemayay diyaar garoow dheeri ah oo ay tartanka usoo sameeyeen, gaba gabadii tartanka ayay Buulamareer gaftay su’aashii laweydiiyay waxaana ka faa’iideysatay Kismaayo oo guushu caawa raacday Kismaayo oo 12 dhibcood keensatay halka Buulamareer ay keensatay 9 dhibcood.
Guddiga tartanka ayaa sheegay in habeen dambe ay tartami doonaan degmooyinka Ruun nirgood oo Shabeelaha dhexe katirsan iyo Marka oo wilaayada Shabeelaha Hoose katirsan.
