Xarunta Shirka dastuur gaaleedka Muqdisho maxaa ka dhacay?

Written by Maamul on .

somalimemo.netWarar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo saacidihii la soo dhaafay laga maqlay gudaha iyo hareeraha Xaunta uu ka soconayo shirka lagu ansixinayo dastuur gaaleedka DKMG ah ee magaalada Muqdisho, iyadoona la sheegayo in DKMG ay arrinkaas ka hadashay.


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay tiro madaafiic ah lagu beegsaday xaruntaas kuwaas oo ku dhacay gudaha xerada, halka saaka la xaqiijiyay ilsa madaadiic kale in ay ku dhaceen goobtaas walow wali aan la ogaan khasaaraha ka dhashay.


Sidoo kale qarax weyn ayaa gilgilay goob Parking ah oo ku taalla hareeraha xerada, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ka tirsan DKMG ah, waxaana la xiray dhamaan waddoyinka oo ilaa hadda xiran.


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka dastuurka DKMG ah Xooshi Jibril uu ka hadlay dhacdooyinkaas iyadoona xaalad kacsan ay ka taagan tahay gudaha xarunta markii odayaasha qaarkood ay ka baxeen goobta iyagoo cabsi muujinaya.


DKMG ah oo kaashaneysa maleeshiyaadkeeda ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday waxa ay ugu yeertay howlgallo ay ku xaqiijineyso amaanka xaruntaas si looga hortago in lagu soo qaado weeraro ka imaan kara dhanka Mujaahidiinta.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy