Qisadii Shiikha iyo Libaaxa.(Sheekooyin Taxane ah) Qaybtii Koowaad
Horudhac: Waxanu jecelnahay inaanu usoo gudbino umadda islaamka ah ee Soomaaliyeed qisooyin cibro iyo waano qaadasho ay kusuganyihiin, kuwaas oo aan uga gol leenahay bisha Ramadaan in looga faa'iidaysto, insha allaah si khaasatan ah aniga waxan jeclahay inaan 18 qiso ilaa 25 intaan awoodo soo gudbiyo bishan Ramadaan gudaheeda.
Mana ahaan doonaan kuwo kusocda hal qaab ama hal nooc ee waxay ka kala hadli donaan mawaadiic aan kala duwan balse umadda faa'iido u ah, isla qisooyinkaan waxan uga danleenahay dadku inay fahmaan waxa ay ahaan jireen iyo sida maanta ladonayo in laga dhigo, waxay si gaara utaabanaysaa culumada xumaaday ee qubay taariikhda islaamka qaatayna dhalanteed aduunka, si guudna ugu socota umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah.
Qisada koobaad waa:
Libaaxa iyo shiikha.
Qisadan waxay ka dhacday dhulka Masar xiliyo hore khaasatan xiligii Dawladdii Cabaasiyiinta ee ka talinjirtay caalamka badankiisa. si gaara waxay uga dhacday magaalada hada loo yaqaan Qahira, oo waagaas loo qaanay Fusdaad الفسطاط
Xilagaas aan sheegnay waxaa waali ama gobaratore uga ahaa masar Dawladdii Cabasiyiinta ninkii lagu magacaabi jiray Axmed Duuluun ابن طولون oo ahaa xaakim jaa'ir ah kuna xadgudbi jiray xuduudaha alle waxkastana xalaashan jiray taariikhdu waxay tilmaamaysaa inuu ahaa dilaa xasuuqa dadka oo naxariis daran qaar aya tilmaamaya inuu xoogaa ku fiicnaa wax bixinta, lakin badanaa wuxuu ahaa Dacar oo hadii uu xanaaqo falaartiisu dhankasta ayey udhici jirtay dadkana wuu dulmin jiray xasuuq baahsana uu gaysan jiray, heer wuxuu gaaray uu dilo 18,000 (sideed iyo toban kun) oo qof oo uu u dilay qaababka wax loo dilo tan ugu xun oo ah inuu xabiso una diido biyo iyo cunto.
Markaas ayaa waxaa maqlay (Abil Xasan) Axmed Inbu Banaan أبي الحسن أحمد بن بنان oo ahaa nin caabid ah oo zaahid ah, markaas ayuu is yiri walaalahaa oo sidan loo galayo miyad aamusi kartaa adigoo maqlay oo yaqaan xadiiskii nabiga ee ahaa (أفضل الجهاد كلمة حق تقال عند سلطان جائر) kadib ubadiisa ayuu qaatay si uu ugu tago oo ugu digo, markaas ayuu ku yiri Ibnu Duuluun: ''waryaa ibnu duuluunow ilaahay ka baq waa dishay oo waa dishay oo ilaali raaciyadaada maalinta qiyaame ilaahay hortiisa waa lagu waydiinayaa'' يا ابن طولون إنك قد ظلمت وفعلت، وفعلت، اتق الله في الرعية يا بن طولون ،فإنك مسؤول عنهم أمام رب العزة "يوم لا ينفع مال و لا بنون إلا من أتى الله بقلب سليم
markaas ayuu shiikhu waanadiisa ku dheeraaday oo aad ugu qayliyay ilaa uu ka istaagay oo xanaaqay golahii dhana codkiisa aad looga maqlay, markaas ayuu Ibnu Duuluun intu xanaaqay ciidankisa hareeraha ka taagnaa ku amray in laqabto ninkan waalan siduu ku tilmaamayey اقبضوا على هذا المجنون kuna xira god dhulka hoostiisa kuyaal oo isaga khaas u ah aadna udheer, markaas ayey samayeen wixii la amray shiikhiina waxay ku tuureen god dheer oo dhuuban.
Mudo dheer ayuu meesha kujiray wuxaana laga ilaaliyay cunno iyo cabid, shiikhii aad ayuu godkii ugu dhibtooday mudo dheerna uu ku jiray markii laga yaabo nafta inay ka baxdo ayaa loosoo tuuraa cuno aan ku haboonayn binu aadamka.
Kadib Ibnu Duuluun wuxuu la seexan waayey hadalkii uu kuyiri shiikha wuxuuna amray in laga soo saaro oo lookeeno, markii godka laga soo saaray ayaa loo geeyay xaakimdkii Inu Duuluun ahaa wuxuuna ku yiri: ''abil xasanoow sidee ugu dhiiratay inaad hadaladaas igu tiraahdo dadka hortooda, balse waan iska kaa cafinayaa hadii aad raali galin iwaydiisato aniga iyo dadka oo dhan hortooda waxaadna ka cadeynaysaa biri''
( يا أبا الحسن :كيف تجرؤ على أن تتكلم بما تكلمت به و كيف تفعل ما فعلت أمام الناس؟ و لكن لا بأس ،سأعفوا عنك إن اعتذرت أمام الناس عما بدر منك غداً أمامهم) Markaas ayaa Abil Xassan Yiri: '' anigu dambi magalin amiiroow ee waan kuu naseexeeyey ( أنا لم أقترف ذنباً أيها الأمير ! و إنما قدمت إليك نصيحة
hadaladii uu yiri badalkeedana amaan ugu badalo kadibna uu noqdo nin xaakimka daba dhilif u ah oo dadka u amaana shiikhuu wuxuu istaagay kalaa wa alfu kalaa كلا وألف كلا kadib wuxuu amray inu ciliyo meeshiisa shiikhii hadana wuxuu xirnaa intii in la'eg sidii ayaana loo dhaqmay oo cunadii looga xiray ilaa in daruuro keentay oo naf ku reeb ah maahee.
Markaas ayuu intuu xanaaqay yiri halagu celiyo meeshiisa, muddo markuu kujiray halkii shiikhu wuu is badalay runtii wuxuu noqday waxay ay somalidu tiraahdo Maliil yacnii duub oo kaliya ayuu noqday shiikhu aad ayuu ucaatoobay waxaase ugu naxdinta badnayd ayaa ah in shiikha timihii iyo shaarbihi iyo cidiyihii intuba ay ku baxeen oo aad ayey udhaadheeraadeen ilaa xad.
Mar labaad ayaa godka laga soo saaray waxana laga dalbaday intii horey looga dalbaday shiikhu wuu diiday wuxuuna raaciyay kalaa wa alfu kalaa كلا وألف كلا, kadibna waa lagu celiyay waxana logu dhiabay sidii horey loogu dhibi jiray.
Kadib xaakimkii jaa'irka ahaa wuxuu ku yiri ilaaladiisa ''ugu taga godka una sheega inuu ka toobad keeno waana markii sadexaad ee ugu dambeysay'' shiikhuna wuxuu kujawaabay inuusan ka noqon jawaabtiisana ay tahay tii hore, markaas kadib ayaa looga jawaab celiyay markaas ayuu yiri xaakimkii: ''diyaariya oo soo qabta libaax aad uqira wayn oo gaajaysiiya 3 maalmood'', markaas ayuu yiri ''usheega inuu 3 bari kadib cuno unoqon doono libaax ama hadiyad unoqon doono libaax'', markii hadalkii xaakimka loo keenay ayuu yiri shiikh abil xassan: '' acmaartu ama cimriyadu waxay ku jiraan gacanta ilaahay adiguna waxaa tahay mid ka mid ah adoomada ilaahay ma awoodid wax ka yar ilbiriqsi inaad cimrigayga soo hor mariso ama aad dib dhigto'' (الأعمار بيد الله ،و أنت عبد من عباد الله لا تستطيع أن تقدم عمري أو تأخره لحظة واحدة ).
Markii loo keenay Xaakim Inbu Duuluun warkii Abil Xassan ayuu sii xanaaqay wuxuu dalbaday in dadka oo dhan la isugu yeero Stadium ka ama meesha laysugu imaan jiray oo ahayd meel musaarico iyo bartan una usamaysnayd sida maanta garoomada kubada lagu ciyaaro usamaysan tahay, waxaa magaalada lala dhex maray cod dheer maalinta jimcaha waxaa balansan shiikh iyo libaax, waxaanu dadku isugu imaan doonaan garoonka.
Markii ay soo dhawaatay balantii ayaa shiikha waxa loo diray raga soo hagaajiya oo soo diyaariya si aysan dadku uga caroon suuradiisa oo xumaatay kadibna aysan kacdoon usamayn, markaas ayaa laga soo saaray godkii waxaana laga jaray timihii badnaa cidiyihiina laga yareeyay waana loo qubeeyay kadibna shiikhu wuxuu dalbaday inuu wayso qaato kadibna allaah ayuu isku xiray oo wuxuu akhristay ducada ah (حسبي الله لا إله إلا هو عليه توكلت وهو رب العرش العظيم) kadibna sil-silad ayaa laysu dhaafiyay oo lagu xirxiray kuligiis.
Markii subaxdii lagaaray ayaa waxaa lasoo galbiyay shiikhii oo sil-silad ku xirxiran oo laga keenay dhanac magaaladda ka baxsan halka libaaxiina isagoo xirxiran laga keenay dhanka kale, waxaa fagaaraha kusii diyaarsan dadwayne aad badan soo xaadiray, markii midba albaab laga soo galiyay kadib shiikh Abil Xassan waxaa ladhigay bartamaha fagaaraha dagaalka isagoo sil-siladaysan halka asadkii ama libaaxiina uu kujiro qafaskii oo waaba caraysan yahay oo waa uu qaylinayaa, dadka waxaa looga xiray silig, kadib waa lagu soo fasaxay libaaxii, riwaayaadka qaar ayaa leh sil-siladii ku xirnayd shiikha waa laga furay oo wuxuu galay salaad labo ragca ah oo salaad ayuuba ku jiray markii libaaxa lasoo daynayey و وضع ابن بنان في ساحة عامة نثم جيء بالأسد و هو في قفصه ، و كان الشيخ يصلي و لم ينتبه للأسد ، ففتحوا باب القفص ،ليخرج الأسد
qaarna riwaayaadku waxay leeyihiin sil-siladii ayaa kuxirnay oo meel kasta kaga laalaabnayd si uusan isaga dhicin libaaxa oo usan u carcarin dhinaca ayey dhulka udhigeen lakin waxa la isku waafaqsan yahay ayaa ah inuu wayso qabay oo waa tan aan kor kusoo marnay inuu dalbaday inuu wayso qaato.
Si kastaba arintu ha ahaatee libaaxii ooda ayaa laga so qaaday wuxuuna isku soo daayey shiikh Abil Xassan waayo wax kale maba arkaynin isaga umuuqday maadam uu yaalo shililkii la isku cunayey, kadib libaaxii markii uu uyimi shiikhii wuxuu bilaabay inuu kor tago shiikha oo ku dil ciyo, bal sawirta libaax aad u way oo lasoo gaajaysiiyay 3 bari oo ladul keenay shiikh maliil ah oo daciif ah, dadkii qaar ayaa ka daatay dhabarka dambe ee garoonka iyago ka baqaya libaaxa lagusoo daayey inuu cuno shiikha iyo iyagaba qaarna way garaw sanyihiin inuu silig ka celinayo oo waxay qabsaden indha si aysan udaawan shiikha sida loo cunayo kuwani iyagu waxayba is waydiinayeen ''libaaxu ma sil-silada iyo hilibkuu isku cunayaa, mise sil-silada ayuu soo reebayaa oo hilibkuu cunaya iyo lafaha?'' qaar ayaa wadnaha gacanta saareen.
Muxuu sameeyay libaaxii muxuuse sameeya shiikhi? libaaxa aan ku hor maree wuxuu bilaabay ku dul ciyo oo ku dul cabaado isagoo gaajadu boga iyo beerka isku dhajisay wuxuu kaloo bilaabay inuu dhulka cagaha ku xoqo yacnii boola xooftan isagoo urinaya shiikha, wuxuu bilaabay inuu ku wareegaysto shiikha ilaa dadki boor uu ka qariyay libaaxu wuxuu samaynayo, kadib ayuu shiikha ku dil dhareeray gaajo haysa darteed iyo ogalaansho la'aan uusan fasax uhaysan inu cuno taasina waa minalaah, kadib markuu mudo dul taagnaa uu aadna ugu dhareeray waadna dareemi kartaa qof cuno macaan lasoo hor dhigay oo shiilin laguna yiri ha cunin ee sug waxa dhareer ka imaan kara, dadkii afkaa labo taako kala noqday hawadii dhan ayaa istaagtay dadkiina waxa kasoo bixi wayday neeftii waxa meesha taagan xaakimkii iyo majliskiisa latashiga ahaa, iyadoo lala dhaka faarsanyahay waxa uu samayn doono libaaxu ayuu iska dhaqaaqay oo kunoqday qafiskiisi, markaas ayaa dadkii bilaabeen inay takbirsadaan oo aad uga dhawaaqaan Allaaaaaahu Akbaaaaar iyagoo uga jawaabaya mucjisadan rabaaniga ah.
Halkaas markii lamarayo ayaa Axmed Duuluun wuxuu dalbay in loo keeno wadaadka ama shiikha, markii lookeenay oo dadkii dhanna ay joogaan ayuu yiri xaakimkii ibnu duuluul:'' ilaah baan kugu dhaarshe maxa qalbigaaga kujiray oo aad ku fakaraysay?'' (يا أبا الحسن قل بربك ما الذي كان بقلبك ؟و بما ذا كنت تفكر؟ ). markaas ayuu kujawaabay shiikhii: '' wax dhib ah majirin waxan akhrinayey qawlkii alle waxaana ku fakarayey dhareerka libaaxa waysada majabiyaa mise majabiyo si uusan waysadayda iiga jabin''.
قال ابو الحسن( لم يكن علي بأس فقد كنت أقرأ قوله تعالى(و اصبر لحكم ربك فإنك بأعيننا)،و كنت أفكر بلعاب الأسد :هل (هو طاهر أم نجس؟
markaas ayuu hadana waydiiyay: ''mawaadan ka baqayn libaaxa'' (أما خفت من الأسد؟) Markaas ayu yiri: ''maya abadan. maxaa yeelay ilaahay ayaa iga kaafiyeelay''. (قال: أبدا؛ لأن الله سبحانه وتعالى يكفيني إياه).markas ayuu istaagay xaakimkii oo ka shumiyay madaxa wuxuuna ka dalbaday inu cafiyo wuxuuna ka dhigay qaadigii guud ee wilaayada Masar kadib markuu shiikhu diiday inuuba noqdo waaliga guud ee masar, waxaana loo qoray mushahaar waxaana loo sameeyay caraba ama baabuurtii hore oo nooc qurux badan ah sidoo kale waxaa loo sameeyay xaarisiin ilaalisa shiikha oo guriga kasoo kaxaysa ilaa maqarka qudaada, isla meesha ayuu shiikh Abil Xassan kaga dalbaxay inuu sii daayo kumanaanka qof ee dhulka hoostiiisa ku xiran, waana laga yeelay oo qof xirnaa majirin gadaashiis. Su'aashii uu is waydiinayey intuu libaaxa kor taagnaana waxay noqotay su'aal kujirta kutubta fiqiga oo xukun gaara ayey yeelatay dhareer bahaa'imtu waysada majabiyaan sida Ayga, libaaxa iyo kuwa kaleba.
Qisadii intaas ayey ku egtahay.
Hadana aan galno qisadan waxa laga dhadhansankaro ama laga faa'iidaysankaro.
1- Awalan waxay risaalo ama waraaq utahay xaakim kasta oo jaa'ir daaqi ah ama madaxwayne kasta oo daalim ah inuusan koonkaan isagu lahayn ee uu leeyahay alle xukuma oo abuurtay waadna aragtaan maanta daalimintii carbeed meesha ay ku dabeeyeen.
2- waxay sidoo kale waraaq u tahay culamada is dhiibtay ee isku dulaysa gaalada iyo xukaamta fasaqada ah ee umaleeya inay gaaldu nafta hayaan kuwaasna waxan leeyahay ku cibra qaata qisadan oo ilaahay isku xira gaaladana xariga ujara, culimadaas kuma dheeraanayo waadna taqaaniin waa ictisaam iyo walaalahood sida firqooyinka kale ee is dhiibay, ha uso noqdaan alahood, gaalkana ama sida shiikhaas sameeyay oo ah afdalul jihaad hasameeyaan ama dagaalka toos ha ugaal oo qori haqaataan, lakin hadii aad is dhiibto ogow inaad iska dhiibtay bankii qiyaame.
3- qisadan waxaa laga faa'iidaysana أن من حفظ الله حفظه الله in qofkii alle xifdiya uu allena xifdinayo.muslimiintana dhamaan ay ku baraarugaan arintaas, xifdinta allena wa inaad iska ilaaliso wuxuu kaa xaaraantinimeeyay aadna fartoonto wuxuu ku faray, sidas ayaa allena kugu xifdinayaa lakin qofkii alle ilaawa allena wuu ilaawayaa نسوا الله فنسيهم qofku waa inuu raacaa sunadii nabi Muxamed salalaahu calayhi wasalam, gaar ahaan waa inaad akhrisataa adkaarta subaxdii iyo tan galabtii adigoo ilaalinaya acmaashii kale ee waajibaadka iyo sunanta ahayd.
4- waxaa kaloo laga faa'iidaysanayaa qisadan in marnaba aan la isku dulayn madaxwayne jaa'ir ah ee si kasta oo aad ku joojin karto aad samayso anagoo khilaafayna culimada qaar oo leh isku duleeya shariif sakaraad.
Insha allaah lasocda qisada labaad oo iyadana xiisa gaara wadata gaar ahaan dhalinta ama dhalinyarada hala socdaan.
W/Q: Cabdulaahi Cabdi Faarax (Abusayaaf)


