DHAGEYSO: Muxaadaradii "AlQawlul Ameen Fii Saddi Al Cudwanil MuBiin" Qaybteedii Labaad.
Waxaa goor dhoweyd soo gabagabowday Qaybtii Labaad Muxaadaradii "AlQawlul Ameen Fii Saddi Al Cudwanil MuBiin" ee uu soo jeediyey Sheekh Xassaan Xuseen Aadam.
Muxaadaradaan oo uu Shiikhu bilaabay maalintii Khamiista ayuu Shiikhu uga hadlayaa arrimo muhiim ah oo khuseeya dacaayado ay maalmahan sheekha iyo mujaahidiinta ka faafinayeen Culimaa'udiin taabacsan Ictisaam.
Maanta ayuu Shiikhu Muxaadaradiisa waxa uu soo Bandhigay khaladaad aad u badan oo kusoo arooray muxaadaraadkii uu qabtay Sheikh Umal.
Khaladaadkaas ayaa waxay iskugu jireen kuwa Cilmi ah iyo sidoo kale kuwa xiriir la leh Mujaahidiinta caalamka oo ay ugu horayso Mujaahidiinta Al Qaacidah, sidoo kale Sheikh Xassaan ayaa waxa uu is dul taag ku sameeyey khaladaad u muuqda kuwa daqiiqa ah oo uu ku dhacay Sheikh Umal.
Sheikh Xassaan Xafidahullaah ayaa cadeeyey in Sheikh Umal uu u muuqdo nin ka hadlaya waxa uusan aqoon u lahayn, waxana uu arintaas u keenay dhowr tusaale oo uu kasoo guuriyey muxaadaraadkii Sheikh Umal.
Muxaadaradaan oo laga dhagaysanayey Daafaha aduunka ayey Qurba Joogta Soomaalida ahi waxa ay kala socdeen Aaladda Paltalk-ka Qolka Somali Islamic Dacwatu Tawxiid Center.
Halkaan Ka Dhageyso Muxaadarada Labaad
Halkaan ka Dhageyso Muxaadaradii Koowaad


