Al-Shabaab oo sheegatay weeraro ka kala dhacay Kenya iyo Soomaaliya oo lagu dilay Askar Shisheeye ah Dhagayso.
Afhayeenka Ciidamda Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.C/Caziiz Abu Muscab oo galabta Shir Jaraa'id qabtay ayaa sheegay in 24-kii Saac ee lasoo dhaafay Ay Mujaahidiintu fuliyeen weeraro lagu beegsaday Ciidamo Shisheeye ah kuwaas oo ka kala dhacay kenya iyo Soomaaliya.
Weerarka koowaad ayuu sheegay inuu Xalay ka dhacay duleedka Degmada Mandheera ee NFD halkaas oo ay Mujaahidiintu Kamiin u dhigeen Gaari ay saarnaayeen Saraakiil Kenyaati ah, kuwaas oo 3 ka mid ah goobta lagu dilay Gaarigii ay wateena ay Mujaahidiintu soo qaniimaysteen.
Weerarka kale oo ka dhacay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Abu Muscab sheegay inay ku dileen 3 ka mid ah Ciidamada Burundi 4 kalena ay ku dhaawaceen kadib markii ay la qaraxday Miino ay Mujaahidiitu ugu duugeen agagaarka Xaafada Gubta ee degmada Dayniile.
Sh.Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in Mujaahidiintu ay xalay weerareen fariisimayaal ay cadawgu ku lahaayeen Degmada Balcad ee Wilaayada Sh.Dhexe halkaas oo uu dagaal culus ka dhacay ayna ku dhinteen ugu yaraan 15 ka mid ah Ciidamada Afrikaanta ah iyo Maleeshiyada Soomaalida ah ee la shaqaysata.
Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa'id ee Abuu Muscab


