Qaraxyo Caawa gilgilay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Written by Maamul on .

Waxaa Salaada Maqrib kadib caawa ilaa iyo hadda qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho waxaa gilgilay Qaraxyo qasaare geystay oo lala eegtay maleeshiyaadka DKMG oo dadka Rayidka ah Xaxda u ku haya.

Qaraxa koowaad ayaa caawa ka dhacay Suuq Bacaad kaasoo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ogayn waxa uu ahaa, iyadoo warar kala duwan oo ka soo baxaya qaraxa ay sheegayaan inuu ahaa Bam gacmeed loo adeegsaday Maleeshiyada DKMG.

Qaraxaasi gilgilay caawa Suuq bacaad ayaa la sheegay inuu qasaare ka soo gaaray Maleeshiyaadka lagu weeraray, hase yeeshee waxyeelada inta ay la egtahay aan la ogayn, maadaama xiliga uu habeen yahay rasaasna ay dhacayso.

Qaraxa labaad isla caawa waxaa laga maqlay dhanka Howlwadaag, waxaana la sheegay in ay ka dhasheen Qasarooyin dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Maleeshiyaad kale oo weerarkaasi lagu qaaday.

Qaraxyadan caawa gilgilay magaalada Muqdisho dadkana ay dareemeen ayaa ku soo aadaya xili DKMG ay ku jahwareertay Amaan darida Magaalada Muqdisho ka jirta oo xiliga habeenkii ah Mujaahidiinta ku xarakoonaya kana fulinaya qaraxyada iyo dilalka looga soo horjeedo maleeshiyada iyo mas’uuliyiinta DKMG, waxayna inta badan sheegaan inay sugayaan Amaanka wayna ku fashilmeen sida muuqata.